Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu xusayey sanad-guurada 77-aad ee aasaaska Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha, taas oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasabadda marka hore ugu hambalyeeyey shacabka iyo dowladda Shiinaha, munaasabadda xuska sanad-guurada 77-aad ee aasaaska Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha, isagoo xusay xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo soo taxnaa muddo dheer, wuxuuna tilmaamay in labada dal uu ka dhexeeyo xiriir ku dhisan saaxiibtinimo, iskaashi iyo is-ixtiraam.
Guddoomiyaha ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal iyo labada Baarlamaan, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, tiknoolajiyadda, horumarinta hay’adaha dowladda, ganacsiga, nabadda iyo amniga.
Wuxuu sidoo kale bogaadiyay horumarka ballaaran ee Shiinuhu ku tallaabsaday tan iyo markii la aasaasay Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha, isagoo tilmaamay in khibradaha iyo iskaashiga labada dal ay gacan ka geysan karaan horumarinta dhinacyada kala duwan ee Soomaaliya.
Ugu dambeyn, Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka wuxuu caddeeyey in Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee kala dhexeeya Shiinaha, isagoo shacabka iyo dowladda Shiinaha u rajeeyay horumar, barwaaqo iyo nabad waarta.

























