Kulanka Ra’Isul Wasaaraha Iyo Midowga Murashaxiinta Oo Furmay

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa hadda kula uga bilowday Hotel Decale ee magaalada Muqdisho xubnaha Midowga Murashaxiinta, kulanka waxaa looga hadlayaa dhameystirka isfahamkii dhowaan labada dhinac ku gaareen halkaas.

Kulanka ayaa hadda socda, iyadoo dhinacyada diiradda saari doonaan sii wadista isfahamkii 25 bisha Febraayo wada gaareen labada dhinac, waxaana la filayaa in marka uu kulanka soo idlaado ay Warbaahinta la wadaagaan waxyaabaha la isku afgartay.