kulanka qaran ee xiriirinta dowladaha hoose oo ka furmay Muqdisho

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa furay kulanka qaran ee xiriirinta Dowladaha Hoose, kaas oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshisiinta Soomaaliya.

Kulanka waxaa goobjoog ka ah wasiirrada arrimaha gudaha ee dowlad goboleedyada iyo howlwadeenadooda iyo gobolka Banaadir, waxaana lagu falanqeynayaa arrimaha dowladaha hoose.

Sidoo kale, wasiirada arrimaha gudaha ee dowlad goboleedyada oo ka hadlay shirka ayaa ka mahadceliyay sida wasaaradda arrimaha gudaha ee federaalka ah ay ula shaqeyso.