Kulanka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo goordhow furmay

Kulanka Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay Xarunta Villa Hargeysa, waxaana siwadajir ah u shir guddoominaya guddoomiyeyaasha labada Aqal.

Ajandaha kulanka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ah ka doodista Miisaaniyadda 2023, waxaana horyimid Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr Cilmi Maxamed Nuur oo xildhibaanadu su’aalo ka weydiyeen Miisaaniyadda 2023 oo horta Mudanayaasha.

Kulanka ayaa socda waxa ayna Xildhibaannada labada Aqal ayaa doodayaan Miisaaniyadda dowladda ee 2023,iyadoo dooda ay sii socon doonto inta xildhibanada ay ka ansaxinayan ama ay dib u dhigayaaan