Kulanka ku Saabsan Qorshaha Horumarinta Galmudug oo laga furay Dhuusamareeb

Madaxwayne ku-xigeenka Galmudug ahna ku-simaha Madaxwaynaha Mudane Cali daahir Ciid ayaa Magaaladda Dhuusamareeb ka furay Wadatashiga iyo Qorshaha Horumarinta Dowladgobaleedka Galmudug ee afarta sano ee soo socota, halkaas oo lagu faahfaahiyay muhiimada uu u leeyahay qorshahan bulshada .

Wadatashigan oo ay ka qeyb galayaan  Wasaaraddo ay ka mid yihiin, arrimaha guddaha, Amniga, Waxbarashada, shaqada iyo shaqaalaha, partrooka, haweenka, Beeraha iyo guddoomiyaha Caasimadda ayaa lagu sharaxey Ujeedada ay xambaarsan tahay in aragti wadaag laga yeesho qorshahan hormarineed oo  tilmaamaya baahiyaha jira iyo sida ay Mudnaanta u kala leeyihiin.

Wasiirka Qorsheynta Galmudug Cabdinaasir Geelle Cilmi ayaa ka qeyb galayaasha u sheegay in Istiraatijiyadan hormuud u tahay wax qabadka afarta sano ee soo socota ee Galmudug hiigsaneyso.

Ugu dambeyn Madaxwayne ku-xigeenka Galmudug ahna ku-simaha Madaxwaynaha Cali Ciid ayaa Wasaaradda qorsheynta Galmudug ku amaaney diyaarinta Istiraatijiyadan oo sida ow sheegay kala cadeyn doonta wax qabadyada Wasaraddaha kala duwan ee Galmudug.