Kulanka joogtada ah ee Wasiirrada Caddaaladda labada heer oo ka furmay Baydhabo

Waxaa maanta magaalada Baydhabo ee maamul goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya ka furmay kulanka joogtada ah ee wasiirada Caddaaladda labada heer iyo saaxiibada caalamka ee barnaamijka Caddaaladda iyo Asluubta.

Barnaamijka ayaa ujeedkiisu yahay si loo horumariyo in dadka Soomaaliyeed ay helaan Caddaalad iyo Garsoor Madax-bannaan muhimadna u leh in ay shacabka Soomaaliyeed helaan Caddaalad hufan oo la isku halayn karo.

Wuxuuna barnaamijkani wax wayn ka tari doono ballaadhinta adeegga caddaaladda ee dalka oo qayb ka ah qorshaha Xukuumadda DanQaran.