Munaasabad ay soo qabanqaabiyeen dhallinyarada Caasimada, looguna ducaynayay halyeeyadii u dhintay xornimada dalkeenna ayaa Muqdisho lagu qabtay.
Wasiirka Gaashaandhigga XFS Axmed Macalin Fiqi, Wasiir ku xigeenka Warfaafinta XFS Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-Cadala, guddoomiyeyaasha Dhallinyarada Golaha Qaranka Soomaaliyeed iyo gobolka Banaadir iyo dhallinarada Muqdisho ayaa kulankaan Qur’aan aqriska iyo ducada iskugu jiray goobjoog ka ahaa.