Kulan looga warbixinaya oddoroska dhaqaalaha Soomaaliya oo Muqdisho ka furmay

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene) ayaa maanta furay kulanka daabacaadda labaad ee warbixinta oddoroska dhaqaalaha Soomaaliya.

Mudane, Beene-beene ayaa sheegay in ujeedku uu yahay in lasoo saaro hal warbixin oo ka tarjumeysa xaaladda dhabta ah ee dhaqaalaha dalka, taas oo si wadajir ah ay uga shaqeeyeen dhammaan hay’adaha dowladda, isla markaana noqota mid lagu heshiin karo oo si hufan u matasha Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta XFS ayaa intaa raaciyay in warbixintan aysan ku jirin buunbuunin, taas oo si cad u muujinaysa meelaha aan ku liidanno iyo meelaha aan ku wanaagsanahay labadaba.