Kulan looga hadlayey qorshaha Qoyska oo Muqdisho lagu soo gabangabeeyey

Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Qoyska ee Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Mustafa Cawil Jaamac ayaa soo xirey Kulan socdey muddo labo cisho ah oo ku saabsanaa kala dheeraynta dhalmada iyo sidii loo heli lahaa dawooyinka Caafimaadka taranka.

Kulanka waxaa ka soo qayb galay dhammaan Wasaraddaha Caafimaadka ee Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Hey’adaha Qaramada midoobey ee ka shaqeeya arrinaha Caafimaadka, Ururada Caalimga ah ee ka shaqeeya Caafimaadka, Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed iyo marti sharaf kale.

Kulanku wuxuu daarnaa sidii kor loogu qaadi lahaa ka faa’idaysiga adeegga kala dheeraynta dhalmada ama kala korrinta Carruurta iyo sidii loo heli lahaa dawooyinka Cafimaadka taranka, iyadoo loo marayo nidaamka wacyigelinta iyo howlwadeenada ka shaqeeya Cafimaadka Hooyada iyo Dhalanka si Carruurta iyo Hooyaduba u helaan Caafimaad xoogan.