Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Ali Yusuf Ali (Xoosh), ayaa guddoomiyay Kulanka Guddiga Qabanqaabada Xuska Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada Qaranka ee Sanadguurada 66-aad ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo.
Kulanka waxaa martigelisay Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda Maalmahan Qaran, weyneynteeda, sidii looga xusi lahaa gudaha iyo dibadda Dalka, iyo dardargelinta howlaha qabanqaabada Munaasabadaha ay ka qeyb qaadanayaan Hay’adaha kala duwan ee Dowladda.
Waxaa Kulanka ka qeyb galay Xubnaha Guddiga Golaha Wasiirrada, Guddiyada Farsamada, Maamulka Gobolka Banaadir iyo laamaha Amniga ee ka shaqeynaya qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda.




