Kulan looga hadlayay Amniga Doorashooyinka oo lagu qabtay Baydhabo

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta iyo isku dubbaridka howlaha Amniga, si loo xaqiijiyo jawi deggan oo ammaan ah inta lagu guda jiro diyaar-garowga iyo qabsoomidda Doorashada Hoggaamiyaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta kulanka ka qeyb galay ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay adkeynta Amniga Goobaha Doorashada iyo sugidda Nabadgelyada dhammaan dhinacyada ku lugta leh geeddi-socodka Doorashada.

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa xusay inuu sii laba-jibbaarayo dadaallada lagu xaqiijinayo in Doorashadu ku qabsoonto si xor ah, hufan, daahfuran, isla markaana waafaqsan Shuruucda, Xeerarka iyo habraacyada Doorashooyinka Dalka.