Kulan looga hadlay dardar gelinta Howlaha Golaha Shacabka

Kulanka Guud ee Xoghayaasha iyo Agaasimiyaasha Waaxyaha ee Golaha Shacabka BJFS ayaa maanta ka dhacay xar Guddiyada ee Villa-Hargeysa.

Kulanka ayaa waxaa shir Guddoominayeyaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS Mudane. Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri), waxaana lagu soo bandhigay Warbixinta Waaxyaha.

Ugu dambeyn, waxaa la isla gartay dardargelinta hawlaha hortabinta u leh shaqada Golaha, in Agaasimiyaasha Waaxyaha ay la fadhiistaan shaqaalahooda iyo inay u diyaar garoobaan Agaasimiyaasha kalfadhiga furmi doonna dhawaan.