Kulan looga arinsanayo la dagaallanka argagixisada Al-Shabaab oo ka furmay Dirirdhaba

Kulan looga hadlayo xaalada amaan ee bariga Itoobiya iyo la dagaallanka Al-Shabaab ayaa ka socda magaalada Dirirdhaba ee dalka Itoobiya .

Wada hadalada ayaa u dhaxeeya gobolada dariska ah oo kala ah Ismaamulka Soomaalida, Cafarta, Oromada iyo maamulka Harar.

Waxaa kulankan guddoominayay taliye ku xigeenka booliska Federaalka Itoobiya Melaku Fenta .

Sidoo kale waxaa qeyb ka ah saraakiisha amaanka qaabilsan ee Ismaamulada bariga Itoobiya

Waxyaabaha sida weyn diiradda loogu saari doono ayaa waxaa ka mid ah xaaladaha Nabadgelyada iyo la dagaallanka kooxda argagixisada Al-Shabaab .