Kulan lagu soo dhaweynayay Wasiiru dowlaha Isboortiga oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Kulankan lagu soo dhaweynayay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana lagu taageerayay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka qeybgalay odayaasha dhaqanka, qeybaha kala duwan ee Bulshada, aqoonyahanno iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo madasha lagu casuumay.

Qaar ka mid ah odoyaasha dhaqanka ee kulanka ka hadlay ayaa dowladda uga mahadceliyay dadaalada ay ugu jirto sidii dalka loo gaarsiin lahaa horumar iyo barwaaqo.

Nabadoon Maxamed Daahir Macalin Xasan iyo Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cumar ayaa tilmaamay in dowladdu ay ku guuleysatay horumarka uu dalku gaaray, ayna diyaar u yihin inay garab istaagaan dowladnimada Soomaaliya.

Malaaq Cali Malaaq Maxmed Malaaq Wehliye ayaa tilmaamay in Ra’isul Wasaaraha dalku uu yahay shaqsi doonaya in wax walba lagu dhameeyo wanaaga, isagoo bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay garab istaagaan dowladooda.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukumadda Fedaraalka Soomaaliya mudane Maxamed Xaaji Ibraahim ayaa tilmaamay in dowladdu ay diyaar u tahay in dalku uu aado doorasho loodhanyahay, isagoo xusay in dowladnimada ay tahay wax la wada leeyahay, loona baahanyahay in la ilaashado.

“Dowladnimada waa sheey la wada leeyahay oo cid la arkaba ay qeyb ku leedahay, waxaan rabaa inaan idin xaqiijiyo in dowladnimada Soomaaliya aysan jirin cid aad marti uga tihiin, kuna dadaalla taageerada ay dowladda u heysaan” ayuu yiri Wasiiru dowlaha Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha.