Kulan lagu dardargeliyo kala-guurka oo ay hoggaaminayso Dowladda Soomaaliya iyo UNTMIS oo Magaalada Muqdisho lagu qabtay

Muqdisho Abril 8, 2026: Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Cumar, ayaa la kulmay Mudane Raisedon Zenenga, Ku-simaha Madaxa Howlgalka Qaramada Midoobay ee Kala-guurka Soomaaliya (UNTMIS), oo ay wehelinaysay Marwo Lebogang Diteko, Sarkaal Sare oo Arrimaha Siyaasadda ah.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarayay geeddi-socodka kala-guurka UNTMIS iyo xoojinta iskaashiga si loo hubiyo in taageerada caalamiga ahi ay si waafaqsan ula jaanqaaddo mudnaanta qaran ee Soomaaliya.

Kulankan ayaa muujiyey hoggaanka Soomaaliya ee qaabeynta wejiga xiga ee wada shaqeynta, taas oo ka tarjumaysa iskaashi adag oo kala dhexeeya Qaramada Midoobay iyo u jeedsashada xalal ay Soomaali hoggaaminayso, kuwaas oo lagu xoojinayo Nabadda, Hay’adaha Dowladda, iyo Horumar waara.