Kulan la xiriiray xaaladda dekedda oo lagu qabtay Muqdisho

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa shir guddoomiyay kulan wada-tashi aj oo ku saabsanaa xaaladda dekedda iyo sida ugu habboon ee loo wajihi karo howlaha kala duwan ee loo qabto shacabka Soomaliyeed.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xal u helidda xaaladda dekedda,gaar ahaan ciriiriga ka jira dekedda,yareynta waqtiga joogitaanka gaadiidka iyo dedejinta konteenarrada sida badeecadaha.

Kulankaan oo sidoo kale looga hadlay dardargelinta howlaha kala duwan ee ka socda dekedda,waxaa ka qeybgalay maamulkqa dekedda, saraakiisha amniga,hey’adda fayo dhowrka,ganacsatada iyo waaxda canshuuraha wasaaradda maaliyadda.