kulan la xiriiray tayeynta adeegyada tamarta oo Gaalkacyo lagu qabtay

Maamulka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa magaalada Gaalkacyo ku qabatay kulan ku saabsanaa tayeynta adeegyada tamarta ee ay u baahan yihiin bulshada ku dhaqan Gobolka Mudug.

Kulankaasi oo ay ka soo qeyb galeen qaar kamid ah maamulka wasaaradda Tamarta,kan Dowladda Hoose ee Gaalkacyo,ganacsato iyo ururada bulshada,waxaa xoogga lagu saaray sidii la isaga kaashan lahaa hagaajinta adeegyada korontada iyo biyaha ee ay ku tiirsan yihiin dadweynha.

Kulankaan oo ay sidoo kale ka soo qeybgaleen xubno ka socday wasaaradaha beeraha,xanaanada Xoolaha.gargaarka iyo kuwo kale waxaa ka hadlay Isku duwaha wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka biyaha ee Galmudug Axmed Xasan Faarax ,Madaxa mashruuca wasaaradda ee tayeynta tamarta Bashir Maxaaed Soofe ,Madaxa Arrimaha Bulshada ee Degmada Gaalkac Daahir Maxamuud Cilmi iyo mas’uuliyiin kale.