kulan la xiriiray sida bulshada ay qeyb uga noqon karaan horumara socda oo ka dhacay Jowhar

Qaar kamid ah Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Magaalada Jowgar ku qabtay kulan dadweyne oo la xiriiray sida ururada bulshada ay qeyb uga noqon karaan socdsiinta howlaha maamul ee ka jira halkaa.

Kulankaasi oo lagu soo bandhigay qorshaha ku aadan fulinta shuruucda hortaalla baarlamaanka iyo ansixinta miisaaniyadda maamulkaasi,waxaa ururada bulshada ay ku soo gudbiyeen tallooyin wax ku ool ah oo dhameystiri kara qorshayaasha kutalagal ee socda.

Qodobada muhiimka ah ee lagu soo bandhigay kulankaasi dadweynwe waxaa kamid ahaa sida kor loogu qaadi karo dakhliga gudaha,casriyeynta nidaamka canshuuraha,horumarinta kaabayaasha iyo ilaalinta hantida guud ee shacabka.

Kulankaasi dadweyne waxaa mudadii uu socday ka hadlay Cumar Maxamed Soomane iWasiiru Dolaha Maaliyadda Hirshabeelle iyo Xildhibaan Cumar Maxamed Cumar Gaab.