Kulan ku saabsan Horumarinta Duulista Rayidka oo Muqdisho lagu qabtay

Wasiir dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya xildhibaan Cabdikariim Cabdow Xaydar ayaa maanta shir- gudoomiyey kulan looga hadlayey hanaanka hortabinta shaqada hay’ada duulista Rayidka oo ay ka soo qayb galeen Maareeyaha guud ee hay’adda Axmed macallin Xasan,

Mareeyaha Garoonka Aden Cadde iyo xubno kale ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyey waajibaadka shaqo ee waax walba, caqabadaha jira iyo fursadaha kor loogu qaadi karo waxtarka hay’adda duulista dhinacayada amniga hawada Hormarinta Garoomada Dalka iyo falaqaynta abuurista fursado kale oo lagu hormarinayo hanaanka waxkabadalka qorshayaasha hortabinta u ah tiirarka Hay’adda iyo Garoomada.

Maareeyaha Guud ayaa Wasiirka Warbixin ka siiyay guulaha lagaadhay iyo yolalka la hiigsanaayo ee lagu hormarinayo Duulista Iyo xirfadaha, Shaqaalaha Ka shaqeeya Hagista diyaaradaha Hawadeenna mara oo ay Soomaaliya noqotay Dalka ugu xirfadaha Wanaagsan ee dhanka Amniga hawada iyada oo laga taxadaray dhicitaanka Waxyeeelo nafeed iyo mid Hantiyadeed.

Badbaadada Diyaaradaha Gudaha iyo kuwa caalamiga ah iyo u hoggaansanaanta Sharciga Caalamiga ah ee Duulista Rayidka Adduunka.

Wasiir xaday ayaa soo jeediyey talooyin la xidhiidha doorashada halbeegyada la hiigsanyo ee ay tahay in la raaco si aan ugaadhno shaqa Wanaag iyo adeeg hormarineed oo Ah Gudashada wajibaadka ay tahay inaan ka soo baxno ayu ku soo gabagabeeyey kulanka.