Ku simaha Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada oo maanta kormeeray waaxda (PRA) ee Gadiidka Rayidka.

Kusimaha Wasiirka Gadiidka iyo Duulista hawada ahnna  Wasiiru’dawlaha Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada XFS Xildhibaan Maxamed Cumar (Cananuug) ayaa  maanta kormeeray habsami u socodka shaqada Waxda (PRA) ee Wasaaradda Gadiidka isaga oo mid mid ugalay Xafiisyada kala duwan ee loogu adeego shacabka Somaliyeed.

Agasimaha Waaxda (PRA) Mawliid xusen cumar ayaa uga warbixiyey Wasiirka intii uu ku guda jiray shaqada kormeerka uga

Wasiir Cananuug ayaa shaqaalaha Wasaradda u sheegay inay ilaaliyaan wakhtiga shaqada soo galista iyo ka bixitaanka Madaama ay Gudanayaan wajib kooda shaqo.

Xukumadda Dan-qaran ayaa wada dadaaallo lagu hormarinayo shaqada hey’addaha Dawlada  taas oo lagu kormeerayo shaqaalaha Dowladda goobahooda shaqo.