Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ahna ku simaha ra’iisul wasaaraha ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Howlaha Guud, Dib U Dhiska iyo Guryeynta iyo Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa mid-mid u kormeeray xafiisyada saddexda wasaaradood, isagoo kulamo la yeeshay madaxda iyo shaqaalaha kana dhagaystay qorshahooda sannadka cusub, waxaana dhinaca kale uu ku bogaadiyey shaqada baaxadda leh ee ay Qaranka u hayaan, isaga oo kula dardaarmay shaqaalaha inay laba jibaaraan shaqada ay ummadda u hayaan.