KU-SIMAHA MADAXWEYNAHA JFS AHNA GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO KORMEERAY XAFIISYADDA VILLA HARGEYSA

Muqdisho, Nofeembar 12,2022: Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kormeeray qaar ka mid ah xafiisyadda guddoonka iyo guddiyadda ee Villa Hargeysa oo maalmihii la soo dhaafay lagu waday dib u dhis balaaran.

Kormeerka Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, ayaa waxaa ku weheliyay Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Baarlmaanka Mudane Saciid Maxamed Cadow, isagoo warbixin ka siiyay dib u habeeynta lagu sameeynaayo xafiisyadda ay ku shaqeyn doonaan guddiyadda iyo Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.