Ku simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la yeeshay Safiirka Mareykanka

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta  kulan la yeeshay Safiirka dalka Mareykanka u jooga Soomaaliya Mudane Larry Andrè.

Labada mas’uul ayaa ka waxaa ay ka wada hadleen guushii laga gaaray dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed iyo xaaladaha guud ee dalka.

Danjiraha dalka Mareykanka ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS uga mahadceliyay sida hufnaanta iyo dhexdhexaadinta leh uu u maamulay isl-markaana ku guuleystay gogoshii taalay magalada Baydhabo in si guul ah lagu soo gabagabeeyay.