Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS oo kulan la qaatay Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta waxaa uu kulan la qaatay Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Amb James Swan.

Kulanka ayaa waxa ay masuuliyiintu uga hadleen weeraradii ugu dambeeyay ee ay maleeshiyaadka argagixisada ah ee Al Shabaab ka geysteen qeybo ka mid ah gobolada dhaca xadka aynu la wadaagno Dalka Itoobiya, sidoo kale masuuliyiinta ayaa isla soo hadal qaaday sidii loo dardar gelin lahaa taageerada ay Qaramada midoobay siineyso Golaha Shacabka ee BJFS iyadoo laga sii-amba qaadaayo kulamo horay ay yeesheen danjire James swan iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Ugu dambeyn kusimaha madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo danjire James Swan ayaa kulankooda inta uu socday waxa ay ahmiyad gaar ah siiyeen arrimaha gurmadka Abaaraha iyo sidii wax loogu qaban lahaa qoysaska ay abaaraha saameeyeen.