Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka oo ka qaybgalay Xarig jarka Xarunta Cusub ee Taraafikada

Munaasabada kooban oo ka dhacday xarunta ciidanka ilaalada wadooyinka ee(Taraafikada) aya ahayd xarig jarka dhisma cusub oo xarunta lagu soo kordhiyay,waxana ka qayb galay Wasiirka Amniga Gudaha, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gaadidka iyo Duulista Hawadda, Saraakiil ka socda laamaha Taliska Ciidanka Ilaalada Wadooyinka iyo Marti Sharaf kale.

Masuuliyiintii ka qaybgalay Munaasabada ayaa ku amaanay Taliska Ilaalada Wadooyinka shaqada ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan, waxaana ay sheegeen in furista Xaruntaan ay wax badan ka badali doonto habkii ay u socon jirtay shaqooyinka Bulshada loo hayo.

Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Khadar Cabdullaahi Aden ayaa Bogaadiyay Wada shaqaynta Ciidanka Ilaalada wadooyinka iyo Wasaarada Gaadiidka wuxuuna intaas ku daray inay sii xoojinayaan Shaqooyinka ay u hayaan Shacabka Soomaaliyeed.