Adduun waa Adduun, waa ku qabatay iyo qaddar Alle, adduunyada aynu ku noolnahay maalin walba waxaa ka dhaca dhacdooyin kala duwan kuwaasoo isugu jira kuwa fiican iyo kuwa xun oo qaarkood dhaliya naxdin iyo argagax, a)- dhacdooyin ay sabab u yihiin bini’aadanka iyo b)- dhacdooyin rabbaani ah, waxaas oo dhan waxay ku dhacaan aminno kala duwan.
Dhacdooyinka aan rabbaaniga ahayn bini’aadanku iyaga ayaa gacantooda ku kasbada, ka dibna waxay ka qaadaan shallaay danbe, qofka aadanaha ah markii uu dhibku gaaro ayuu dareemaa xanuunka dhacdada uu sameeyay, dib uyuuna uga qoomameeyaa wixii uu falay.
Hase ahaate, Dhacdada Rabbaaniga ah waa qaddar Alle waxaa loo arkaa in ay tahay wax dhici rabay oo Alle xaggiisa ka qornaa Cidna iskuma eedeyso, dadka iimaanka laga helayna Alle ayay u noqdaan mar waliba dhacdadaasi hadday xun tahay iyo haddey tahayba mid san.
Sidoo kale, Marka xaajo ku saabsan dhacdo si un u xumaato maxaa loo baahan yahay, waxay ila tahay in aan lagu deg degin xaajada, marka ugu horreysana waa in laga fiirsadaa xaajadaasi dhacday habka ugu fiican ee loo geli lahaa ama loo xallin lahaa arrinta ku saabsan dhacdada.
Qofka markasta uu la kulmo dhacdo waxaa looga baahan yahay in uu muujiyo degganaan, waayo xasiloonidu waxay ka mid tahay fiirsiga, fiirsiguna wuxuu ku geeyaa meeshay ku habbooneyd dhacdada in la dhigo ama daawadeeda laga helayo.
Isku filnaashaha iyo isku kalsoonida waxay qeyb ka yihiin geesinimada, waayo dhacdooyinka qaar ee ku soo mari kara waxay u baahan yihiin in aad leedahay awood aad ku xamili karto sabar iyo adkeysi.
Dhacdooyinka guusha ayaa waxay qofka ku abuuraan kalsooni, farxad iyo rayn rayn, wuxuuna hamiyaa qofku in uu u tillaabsado meel nafsaddiisu raalli ka tahay.
Sideedaba, howl gasta oo la qabanayo ama xaajo kasta oo la galayo waxay u baahan tahay in laga fiirsado xitaa haddii loo baahanayo in loo dad badsado.
Arrin kasta oo la galaayo, waa inay galaan dadkii xaajooyinka rog rogi kara sida odayaasha xaaja ruugga loo yaqaanno.
Waxaa jiri kara dhacdooyin aad u fudud oo haddana u jiidma meeshii loo jiido una jeesta meeshii loo jeediyo.
Haddaad aragto fashil ama arrin lagu fashilmay waxaa sabab u ah garyaqaannada ama guurtida gashay xaajadaas ama dhacdadaas.
Mana u badna in ragga xaajada rog roga si sahlan ugu fashilmaan arrin dhacdo xun ama san, waayo waxaa badan ruug caddaa muddo badan ku soo dhex jiray xasilinta iyo hagaajinta xaajooyin kala duwan
Haddaba, waxaan la hureynin waa dhacdo, inta aad adduunka ku nooshahay waayo dhacdadu waxay la xiriirtaa axwaasha koonka ilaah nagu beeray.
Ruux walbow isku kalsoonow, waayo haddii aadan adiga isku kalsoonaanin ma jiro ruux kugu kalsoonaan karo, mana tihid qof u adkeysan kara dhacdooyinka kala duwan ee ku soo wajahi kara
Sidaa darteed samaanteed iyo xumaanteed dhacdo aamin lagama aha ee qof walboow ahow in aad tahay qof deggan oo miirran marka aad la kulanto dhacdo kaa yaabisa ama kaa nixisa oo kaaga timid qof bini’aadan ah ama mid Rabbaani ah.
Dad waxaa ugu liita qofka is raacsha adduunyo iyo waxa dhaxyaal, oo aan ka fikirin saacadaha isguraya ee cimrigiisa, iyadoo aan ognahay inaan safar ka wada nahay halka loo socdana ay tahay runleyda Aakhiro.
mar walba ahaada kuwa ku samra dhacdooyinka, Allana ugu xamdiya qaddar kasta oo dhacaya, guusha iyo geeriduba ilaahbaa looga xamdinayaa.
Ugu dambeyna dhammaanteen aan wada qabsano xarigga ilaahay annagoo wax kasta oo aan qabaneyno u qabaneyna dar ilaaheey, daacaddna u ah diinteenna, dalkeena iyo dadkeenna, anagoo ka ilaalineyna wax walba oo fashilin kara horumarka dalkeenna, ilaalineyna midnimadeenna kuna samreyna calankeenna iyo ciideenna, aamineyna awooddeenna iyo wax-soo saarkeenna iyadoo laga fogaanayo wax kasta oo abuuri kara fashil iyo dib u dhac dambe.
WQ: Osman Dhiblaawe