KOR U QAADISTA TAYADA WAXBARASHADA WAA LAGAMA MAARMAAN

Muddooyinkan dambe waxaa dalka aad ugu soo batay tirade digsiyada iyo jaamacadaha kala duwan ee laga barto culuun ka duwan oo haddii si fiican loo maareeyo horseedi karta in la helo kaadiro dhallinyaro ah oo xirfad iyo aqoon fiican leh dalkana wax badan ku soo kordhin kara.

Aqoonta waxay u baahan tahay in ay noqoto mid tayo leh oo qofka bartay anfac u yeelata oo uu ka dhigan karo xirfad uu yeesho kagana duwan yahay kuwa kale ee aan wax baran.

Waddo kasta , degmo kasta iyo xaafad kasta waxaad ka heleysaa dugsi ama jaamacad  laakiin waxa ugu weyn hadal heynta oo wax laiska weydiinayo ayaa ah tayada waxbarashada ma tahay tii loo baahnaa ama la filayey ?.

Haddii aad is tiraahdo su’aashaas jawaab u hel waa kugu adkaaneysaa inkastoo ay jiraan arday kooban oo iayaga shaqsi ahaan xil isaga saara in ay kordhiyaan tayada aqoontooda waddo kasta ha u mareene.

Waxaa iska caado noqotay araday dhigta fasalka labaad ee dugsiga sare in aad aragto isagoo ku leh waxaan fadhiyaa oo dhigtaa fasalka afraad bil ka dibna aad aragto isagoo u fadhiya imtixaanka kama dambeysta ee dugsiga sare.

Tani waxay ku imaaneysaa waalidka oo daneynaya in carruurtooda si boobsiis iyo bootis ah oo degdeg ah waxbarashada ku dhammeeyaan taas oo waxyeeleysa tayada aqoontiisa xilliga dambe .

Maamuleyaasha ma diidaan bootiska ardayda waxaana inta badan loo xishaa khidmad yar oo waalidku ku bixiyaan arrintaa.

Waxaa isweydiin leh arday aanay aqoontiisa salka ka dhisneyn oo soo wada qaadan waxbarashadii loo baahnaa ee fasalada kala duwna halka uu berry marka uu jaamacadda galo marjac uga dhigayo aqoontiisa.

Xitaa jaamacadaha haatan wax badan kama duwana dugsiyada sare iyo dhexe tiradooda oo keliya ayaana dalka ku soo badatay waayo marka aad eegto habka wax looga barto iyo sida imtixaanada loo galo in yar oo jaamacadaha ka mid ah mooyee waxay u badan yihiin I mooti ama iga gudbi ee looma eego sida muqarar ahaan aradaygu u qaatay ama ugu gudbay heerarkii kala duwanaa ee waxbarashada.

Weli way igu adag tahay in aan aqbalo in la yiraahdo jaamacad hebel waxaa ka qalin jabinaya kun arday hal mar waayo waxaan ogaa in jaamacadihii ay ka mid ahaayeen Lafoole iyo Gaheyr aanay weligey I soo marin kun arday oo mar keliya ka qalin jabineysa.

Arday maanta ka soo baxa jaamacadda ee qaata shahaadada Baajka waxaa suurtagal ah in aanu isku xiri Karin hal weer (sentenece ) oo carabi ama Ingiriis ah ama uusan wax badan ka faalloon Karin maaddooyinka uu baajka ku wato.

Dadka hadda jaamacadaha lagu dhigto waa heerka ardaydii dugsiga sare ama dhexe waayo waxaad arkeysaa arday 13 , 14, 15 oo heysta baajka isla markaana ku leh waxaan diyaarinayaa Master.

Ma garan karo waxa isbedelay iyo in duruustii jaamacaduhu ka fududaatay middii hore ee semester marka uu dhammaado ardayda qaar maaddooyin deyn ah lagu yeelan jiray.

Waxaan ogeyn in marka qalin jabinta la gaaro ay jiri jireen arday iska bixin waayey maaddppyinkii deynta ahaa oo sanad ama labo dib ugu hari jiray jaamacadda halka ardaydii la fasalka aheyd ay baxeen oo qalin jabiyeen.

Tan kale ee la yaabka leh ayaa ah ardaydii hore ee jaamacadaha waxay ahaayeen araday mashquul ah oo aan buugga marna ka fogaan oo mar walba ku foorara iyagoo welwelsan kana welwelsan intixaanada soo fool leh oo qaarkoodna ay feynuus wax ku akhrinayaan saq dhexe oo ahabeen ah laakiin haatan waxaad arkeysaa arday jaamacad dhigta oo aan marna soo qaadeyn bug waxbarasho.

Arrimahan halka ay ka socdaan waan garan waayey arday aan wax akhrinsanse sidee ugu guuleysan karaan imtixaan jaamacadeed tusaale ahaan waxaan arkay arday dhigata caafimaadka oo aan ognahay in ay yihiin kuwa ugu adag oo aan marna mashquul ku ahayn waxbarashada .

Cajaa’ibta kale ee jirta ee aan arkay ayaa ah in afar ilaa shan arday ay si wadajir ah u qoraan hal bug oo qalin jabin ah ayna sidaas ku qalin jabiyaan , maxaa sababaya arrintaa ?

Buugga qalin jabinta waa halka laga garan karo in ardaygan uu aqoon u leeyahay maadada uu bartay isla markaana laga garan lahaa cilmi baaris qoto dheer oo uu ku sameeyey qodob la xiriira maadada uu bartay ma waxaa lagu aamini karaa buug laga yaabo in uusan wax badan kala socon waxa lagu soo qaatay .

Ardayga marka uu baajka qaato maba moodid jaamici mana laha sansaantii lagu aqoon jiray qofka jaamacadda ka soo baxay wuxuuna iska sii ahaanayaa ciyaal xaafadkii isagaa ahaa oo caadi ah aqoontiina maba moodid in ay waayo aragnimo u kordhisay.

Si kastaba ha ahaatee waxaa loo baahan yahay in wax laga bedelo tayada waxbarashada taasna waa arrin xilkeedu saaran yahay madaxda waxbarashada, kuwa dugsiyada iyo jaamacadaha haddii kale waxaan maalin walba soo saareynaa kumanaan arday oo aan tayo laheyn xirfaddoodana lagu kalsoonaan Karin.

WQ: Mohamed Hassan