Gudidda Doorashooyinka heer dowlad goboleed ee maamulka Koonfur galbeed ayaa maanta soo afmeeray Doorashada lix xubnood oo ka mid noqonaya xubnaha Golaha shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay magaalada Baydhabo oo ah caasimada ku meelgaar ah ee maamulka koonfur galbeed.
Doorashada Golaha Shacabka ayaa loo mudeeyey in lagu soo gabo gabeeyo 15-ka bishan iyadoo maamulada kalena ay ka socoto dardar-gelinta dhamaystirka Doorashada Golaha shacabka.