Koofur Galbeed oo ka diyaar garoobaysa saamaynta Elnino

Guddiga Heer Wasiir ee u Diyaargarowga iyo Ka Jawaabidda Saamaynta El Niño ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga ahna Wasiirka Wasaaradda Gargaarka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdinasir Cabdi Arush, ayaa maanta kulan la yeeshay hay’adaha gargaarka ee ka howlgala degmooyinka gobolka Shabeellaha Hoose.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha iyo baahiyaha ay hadda qabaan bulshada, diyaar-garowga socda si bulshada loo gaarsiiyo gargaar haddii ay dhacaan daadadka iyo fatahaadaha la saadaalinayo.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay xogtii ugu dambeysay ee xaaladda El Niño, iyadoo la filayo in roobabku ay billowdaan maalmaha soo socda, kuwaas oo laga cabsi qabo inay saameyn ku yeeshaan bulshada ku nool hareeraha webiyada.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa hay’adaha samafalka u ballanqaaday inuu u fududeynayo shaqadooda, si loo xaqiijiyo diyaar-garow wanaagsan iyo in gargaar degdeg ah la gaarsiiyo bulshada ay saameeyaan daadadka iyo fatahaaduhu.

Kulankan waxaa qeyb ka ahaa wasiirrada qorsheynta, haweenka, tamarta iyo biyaha, odayaasha dhaqanka, maamulka gobolka Shabeellaha Hoose iyo isku-duwaha gargaarka ee gobolka Shabeellaha Hoose.