Koofur Afrika oo diiday damaca Israel ee Soomaaliya

Johanesburg: Dowladda Koonfur Afrika ayaa ka digtay in go’aanka Israel ay ku aqoonsanayso Somaliland oo ah gobol ka mid ah Soomaaliya inuu yahay “halis toos ah” oo ku wajahan nabadda Geeska Afrika.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Koonfur Afrika ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in aqoonsigaasi jebinayo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Koonfur Afrika waxay sheegtay inay ku adkaysanayso mabda’a Midowga Afrika ee uti possidetis, oo ku baaqaya in la ixtiraamo xuduudihii laga dhaxlay xilligii madaxbannaanida, si looga hortago khilaafaadka. Waxay sidoo kale ugu baaqday beesha caalamka inay diidaan “faragelinta dibadda” ee Tel Aviv, isla markaana ay taageeraan Soomaaliya mideysan oo xasilloon, iyagoo raacaya mabaadi’da Midowga Afrika.