Kismaayo oo lagu qabtay doorashada Saddex kamid ah kuraasta Golaha Shacabka

Waxaa maanta oo arbaca ah lagu doortay magaalada kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose  saddex xildhibaan oo ka mid noqon doona baarlamaanka 11-aad ee golaha shacabka Soomaaliya.

Xildhibaan, Xasan Xuseen Maxamed ayaa kusoo baxay doorashada kursiga koowaad ee HOP126 waxa una helay 74-cod halka Musharaxa la tartamayay C/raxmaan Macalin Xuseen  uu isna helay 21-cod waxaa halaabay 5 cod.

Dr Axmed Aadan Axmed ayaa isna ku guulaystay kursiga sumaddiisu tahay #Hop127 waxa uu  helay  84 Cod halka Musharaxa la tartamayay uu helay Cabdiqaadir Cabdullaahi Xirsi uu helay 16-cod, waxaa sidoo kale xildhibaannada soo baxay ka mid ah Yuusuf Maxamed Ismaaciil oo cod gacan taag ah ku Guleystay  kursiga tirsigiisu yahay #HOP118