Kismaayo oo lagu qabaty doorashad laba kursi oo kamid ah Golaha Shacabka

Magaalada kismaayo waxa ka lagu doortay maanta laba kursi oo kamid ah Golaha Shacabka BJFS Waxan kurisga koowaad ku soo baxay Maxamed Xasan Aadan oo loo doortay Xildhibaanka ku fadhiyi doona Afarta sano ee soo socota kursiga sumaddiisu tahay #Hop133 ee Golaha Shacabka BFS

Kursiga labaad ee #HOP219 ayaa waxa isna ku guuleeystay Roodo Carab Cabdi oo heshay codod gaadhaya 78 Cod halka Faadumo Cabdi Cali oo la tartamaysay ay heshay 20 cod, waxaana xumaaday 3 cod ay sida ku dhawaaqeen Guddiga Doorashooyinka Jubbaland
Jubbaland ayaan weli bilaabin doorashada Xildhibaanada ee deegaan doorashada labaad ee laga doonayey maamulka Jubbaland , waxaana ay noqotay maamulka kaliya ee aan weli bilaabin deegaan doorashada labaad.