bilooyinkii ugu dambeeyay waxaa isa soo tarayay gabaabsi ku yimid wax soo saarka beeraha gaar ahaan khudaarta cagaaran oo sida aadka ah bulshada ugu baahan tahay waxaa haatan la dareemayaa caqabad ka timid arrintaasi oo ku keentay suuqyada dalka inuu kor u kaco sicirka lakala siisto bambeelmo, liin dhannaanta, isbaandheyska, babaayga, muuska, canuuniga iyo xab xabka iwm.
Kuwaasoo dadbadani ay ku xurneyd nolol maalmeedkooda oo ay kasoo saari jireen daqli qoyskooda ay ku maareeyaan waxaa haatan la soo deristay ganacsatada ku shaqeysan jirtay waxyaabaha sharaabka la miiro ah oo qaar badan faraha ka qaaday iminka markii ay arkeen sicirkii oo kor u kacay oo ay isbixineynin markii sicirka kor u kacay ay ku soo iibiyaan waxyaabaha ay ka ganacsadaan.
Halka qaar kalena ay door bideen arrintaasi inay ka shaqeystaan iminka jalaatada ice griimka si un ay iskugu dayaan inta sicirkaasi caadigiisa ku soo noqonayo in howla kale oo wax ka soo gali kara ay wajahaan.
Markasta waxaad arkeysaa isbedello sicir suuqeedka muqdisho oo aan lahayn qiimo go’an taasoo hakta laba qaab oo ah suuqa madoow ama beeraleyda khudaarta oo sida ay doonaan ka yeelaan qiimaha lagu kala iibsho seydalaha suuqyada khudaarta marka laga soo billaabo koorta ay ka soo go’aam beeraha khudaara oo kol dambe lagu soo wareejiyo kuwaasoo badiyaa ka kala yimaada degmooyinka afgooye iyo balcad waxaana suuq weyn uga faa’iideysta daabulka khudaartaasi ganacsato gaadiidley ah oo u go’doomay daabulka iyo usoo gudbinta khudaartaasi beeraha ka soo go’da.
Si dhaqso lehna la soo gaarsiiyo suuqyada muqdisho oo qabatimay ka ganacsigaaasi khudaarta iyo furatada oo dadka reer muqdisho si aadah u isticmaalaan gaar ahaan yaanyada oo haatan ah midda ugu raqiisisan ee beeraha ka soo go’da oo ay haweenku aad u jecelyihiin isticmaalkeeda markaloo adeegsanayo iidaanka cuntada ee maalin kasta la quuto guri walbana ay adeegsadaan yaanyadaasi.
Marna lagama maarmo adeegsiga iyo isticmaalka khudaarta iyo furutada taasoo ku xiran hadba sida jirka biniaadanku ugu baahan yahay in la isticmaalo cunto dheeli tiran uguna horreyso khudaarta sida ansalaato, yaanyo, baamiye, karootada, babaay, muuska, bambeelmada oo ah fit B, oo kordhisa dhiigga cas waxaa sidoo kale muhiim ah isticmaalka liin dhannaanta oo vit c ah baradhada iyo tuunka iyo basasha oo aan looga maarmin iidaanka cunta ama maraqa cuntada.
Waxaa jirta markaasi dalaca maraqa ama hilibka aanan marnaba looga maarmin saliidda caddeyda oo loogu talagalay cunto karinta balse aan marnaba ku habbooneyn in lagu darsado garowga ama salbukada iyo muufada la riiqo ama canjeerada iwm.
Haddaba, isticmaalka saliid caddeyda ee loo yaqaanno makoo maaramow in ay markasta dhibaato ku keento beerka haddii aysan dalac ahayn waxa loo isticmaalayo adeegso saliidda macsarada kolka aad ku darsan rabto cunto si toos ah loogu iidaanto saliidda lagu darsado sida cambuulada iyo muufada iwm
Si kastaba ha ahaatee dadbadan oo ka ganacsan jiray waxyaabaha la shiido ee khudaarta ayaa haatan waxay ay dhowrayaan in bal ay arkaan isbeddel deg deg ku yimaado kororkaasi si ay u gudo galaan howlaha ay barteen oo mehradda u ah.
WQ: Ibraahim A. Cali