KHEYRAADKA DABIICIGA AH EE DALKA SOOMAALIYA

Soomaaliya wax soo saarkeeda aad ayuu u horeeyay, waqtigii nabadda ay aheyd Dadka Soomaaliyeed ay isku duubnaayeen, waxey soo saari jireen waxyaabo badan oo kala duwan, sida Sonkorta, Hilibka, Caanaha, Qudaarta, Miraha iyo wax yaabo badan oo aan la tiri karin.

Soomaaliya waqtigaas waxey aheyd waddan aad loogu soo dalxiiso, oo dhaqaalihiisana kor u socday.

Dhaqaalaha soomaaliya waxuu mar ahaan jiray dhaqaalaha ugu xoogan Bariga afrika.

Wadamada ay Soomaaliya la ganacsan jirtay waxaa ka mid ah wadamada ay dariska yihiin iyo kuwa Yurub iyo Aasiya.

Maanta dhaqaalaha soomaaliya wuu burburay, sabab la xiriirto, dagaaladii kala duwanaa ee aan soo marnay kuwaasi oo jalaaftay dhan walboo ka mid ah meelihihii Waddanku uu ka dhisnaa sida Dhaqaalihii Waxbarshadii iyo wax walba oo bulsho ahaan ku hormari laheyn sida ay Siyaasad ahaan u bur burnay ayaa wax walbo u bur bureen.

Dagaalladii aan dhamaadka laheen iyo dowlad la’aantii inasoo martay alga soo bilaabo bilowgii sagaashamaadkii run ahaantii waxay galaafteen oo dib-u dhac ku rideen Dhaqaalaheenii xoogga badnaa iyo mguud ahaan horumarkeenii sida xowliga ah ku socday.

Ganacsi iyo Dhaqaale kama socon karaan meel aan amni iyo xasiloono aan ka jirin, laakiin iyadoo dhibkaasi uu jiro Ilaahay mahaddii Somaliya ganacsigeeda wuu sii siisocday oo heer kastaba ha joogo laakii ma uusan wada baabi’in ganacsiga,   sabab la xiiirto somalida qurbaha joogto oo wadanka lacago badan soo geliyo, lacagaasi oo dowr muhiim ah ka qaata ganacsiga Soomaalida inuu si uun usii jiro ganacsatada Soomaaliyeedna ay ku dadaaleen in uu Dhaqaalaha Dalku uuna joogsan.

Waddamo ay ka mid yihiin Mareykanka ayaa qiraya in ay soo ogaadeen in ganacsiga soomaaliya uu kor u socdo, waxan wadamo kala duwan aan u diri jirnay, Malaayga, dhuxusha, Mooska, sonkorta, Qamadiga, ama bariiska iyo galeeyda, dhinaca xoolaha waxaa somaliya laga dhoofiyaa Ariga, Laxda Geela iyo Lo’da .

Sida lasheego , Soomaaliya ayaa Barriga afrika ugu dhoofiska badan dhinaca Ariga, Laxda, Geela iyo Lo’da, taasoo muujinaysa sida dalkeenu qaniga ugu yahay Xoolaha iyo waliba dhul beereedka Ilaahay uu ku maneystay.

Kheyraadka Dabiiciga ee Soomaaliya

Dalkeena waxa uu leeyahay kheyraad fara badan oo aanan halkaan ku soo koobi karin waxaase ka mid ah kheyraadka dalkeena laga helo: Xoolaha la dhaqdo kuwaasoo loo qeybiyo afar qeybood ookala ah Geela Lo’da oo iyagu la’isku yiraaho Ishkin, Idaha iyo Ariga, haddii aynu eegno magacyada loogu kala yeero noocyada xoolaha ayaa waxa ay kala yihiin: – Geela kan lab waxaa loogu yeeraa Ratti kan dhadigna Hal marka ay yaryaryihiina waxaa la yiraahdaa Nirig iyo Qurbac.

2-Lo’da neefka lab waxaa loogu yeeraa Dibi kan dhadigana Sac marka ay yaryaryihiina waxaa loogu yeeraa Wayl iyo Wayl ama Aalo.

3-Riyo riyaha neefka Lab waxaa lagu magacaabaa Orgi kan dhadigna waxaa lagu magacaabaa Ri marka ay yaryaryihiina waxaa lagu magacaabaa Waxar iyo Waxar ama Maqal

4- Ido idaha neefka lab waxaa la yiraahdaa Wan (Sumal) kan dhedigana waxaa la yirahdaa Lax (Sabeen) marka ay yaryaryihina Nayl ama Baraar.

 

Dalagyada Soomaalidu beerato ayaa waxa ay yihiin dalagyo aad u wanaagsan isla markaana aan ka bixin wadamada africa qaarkood waxana shaxda hoos ku qoran ay muujinaysaa magaca dalaga iyo inta uu ku bislaado:

Miraha inta ee qaadaneeso

Galayda 70 beri

Masagada 99 beri

Sisinta 90 beri

Mooska 199 beri

Digirta 90 beri

Yaanyada 90 beri

Babayga 99 beri

bataatiga 199 beri

Lowska 150 beri

Canbaha 6 bilod

Magacyada Miraha

Magacyada Geed miroodka ka baxa dalkeena ayaa waxa ay kala yihiin Hohob, Mareer, Gud Dhafaruur, Dhuwan, Ontoro,Deegaan, Dhebi, Gob, Miracas, TukeLalmi,Murcood, Kobash (modhotoon), Askax, Shanfarood, Barde, Dhamaag, Qoone,dhangaloow,beydaaniyo jicib. waxaa kale oo ka baxo kheeraadkaan hoosta ku qoran iyo waqtiga oo ku bislaanaayo.

Khayraadka Badda

Wax soo saarka Badda dalkeena Soomaaliya waxa uu leeyahay labo badood oo kala ah Baddacas iyo Badweynta Hindiya waana dal ay dhamaantiis ku dharersantahay Bad laga soo biloobo Cirifka Koonfureed ee Raaskambooni ilaa Cirifka Waqooyi ee Raascaseyr, magaalooyinka dhaca xeebaha waxaa ugu caansan Saylac, Berbera, Caluula, Boosaaso, qandala, Bandarbayla, Hobyo ,Muqdisho, Marka ,Baraawe iyo Kismaayo.

WQ: Ibraahim Warsame Xuseen