Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Bulshada Deegaanka, ayaa habeen hore fuliyay hawlgal aad u culus aadna loo qorsheeyay, kaasi oo dhaawac aad u weyn lagu gaarsiiyay Khawaarijta, iyadoo meesha hawlgalku ka dhacay waxa ay Xeebta u dhaxeysaa Ceeldheer iyo Xarardheere, waxaa lagu magacaabaa Ceel-qaboobe, waxayna Ceeldheer u jirataa qiyaastii 80km halka ay nagaalada Xarardheere u jirto 30km.
SIDEE LAGU HELAY XOGTA?, Qaybta war-doonka ee Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa ka war helay in Khawaarijtu ay Agab ka kooban walxaha Qarxa iyo Saanad kale ay si dhuumaalaysi ah uga soo degsanayeen Xeebta Ceel-qaboobe ee Gobalka Galgaduud Mudug. ee Degmada Ceeldheer, waxaana isku duwista xogta ka dib, Ciidamada Qaranku waxa ay qorshaysteen sidii loo diyaarin lahaa hawlgalka lagu fashilinayo cadawga, waxaana la diyaariyay dhammaan talaabooyinka la qaadi lahaa iyo qaabkii uu hawlgalku u dhici lahaa.
Goobta hawlgalku ka dhacay waa Xeebta u dhaxaysa Degmooyinka Ceeldheer iyo Xarardheere, waxaa lagu magacaabaa Ceel-qaboobe. Khawaarijta oo aan ku baraarugsanayn in Ciidanku xogtooda hayo ayaa tagay Xeebta, halkaas waxaa timid doon Khawaarijta u wadday waxyaabaha Qarxa oo Aad u culus kuna cabbaysan dhawr boqol oo ah caagadaha waawayn, waxay ku soo rareen gaari wayn oo ah nuuca loo yaqaano BG-ga, gaarigaas waxaa wehliyay gaari kale oo ah Kuwa ay Soomaalidu u taqaano Qooqan,ama Toyota Hulix, kaas oo ay saarnaayeen Horjoogayaashii Khawaarijta ee shaqadaas mas’uulka uga ahaa,
Ciidamada Xooggu waxa ay ku diyaar garoobeen goob ku taalla marinka Khawaarijta halkaas oo ay isugu diyaariyeen fulinta hawlgalka lagu fashilinayo dhagarta cadawga.
Labadii gaari ee Khawaarijta oo sida Agabkii Qaraxyada iyo ilaa 60 isugu jira maleeshiyaad iyo horjoogayaal, ayaa markii ay soo gaareen halkii ay ku diyaar garoobeen Ciidamada Qaranku waxaa ku bilawday hawlgalkii, markiiba Ciidamada Qaranku waxa ay qarxiyeen Gaarigii waynaa ee siday Waxyaabaha qarxa waxaana uu sameeyay Qarax aad u xoogan oo laga maqlay dhul balaaran, goobtaas waxaa ay ciidamadu ka soo uruuriyeen Hilbaha Khawaaarijtii saarneyd gaariga oo kontomeeyo ahaa,, waxaa sidoo kale hawlgalka Ciidamadu kula wareegeen Gaarigii labaad ee Khawaarijtu ay wateen, kaasi oo ay Soomaalidu u taqaan Qooqan ama Toyota Hulex
Gaari shabaab u siday walxaha Qarxa ayaa lagu qiyaasaa140 Jirigaan oo qaraxyo ah, kuwaasi oo dhawaaciisa laga maqlay meelo fog, xajmiga walxahaa awgood, waxaase jirta in wali socoto dhamaystirka xogta nuucyada Qaraxyada ee laga fashiliyay Khawaarijta iyo dabagalka danbiilayaashii ku lugta lahaa.
Horay, waxaan u sheegnay in Xarardheere iyo nawaaxigeedu uu Khawaarijta u ahaa meel ay kasoo dajiyaan Qaraxyada iyo Khawaarijta Caalamiga ah, balse waa lagala wareegay, kadib markii laga xoreeyay, hadda ayayse isku dayeen inay ka soo dejiyaan meelo kale oo u dhow Xarardheere, waana la fashilayay waana lagu laalay.
Khawaarijta halkaas ku halaagsantay, waxaa ku jiray ajaanib Khubaro ku ahaa Waxyaabaha Qarxa iyo Horjoogaaal iyo maleeshiyaad ay muddo u tababarayeen isku dubbarirka Qaraxyada, waxaan u mahad celinaynaa allaah oo fashiliyay dhagarta cadawga, waxaan kaloo u mahadcelinaynaa Ciidamada Mujaahidiinta geesiyaasha ah ee Xoogga Dalka, si gaar ah waxaan ugu mahad celinaa Bulshada Deegaanadaas oo iska diiday in Khawaarijtu ku dhex noolaato ama dhex marto isla markaana wadashaqayn wanaagsan la yeeshay Ciidamada Qaranka.Waxaan ka cudurdaaranayaa in aynaan idinla wadaagikarin sawirrada maydadka Khawaarijta ee Daadsan goobta hawlgalka, waxaana socota asturidda maydadkaas oo ay aasayaan Ciidamada Qaranku.
Warar kale oo aan Dadka Deegaanka ka helnaya ayaa sheegaya in mid ka mid horjoogayaasha kooxda Khawaarijta ah oo ay ku tilmaameen inuu aad uu muhiim uga ahaa lagu soo qaaday dhaawaciisa Moto Facon ama Moto laba lugoodleey,taasi oo laga lahaa Deegaan,kadib markii ay awood u yeelan waayeen inay soo qaataan dhaawacyadooda, ayay ku amreen si afduubnimo ah in uu u soo qaaado.
Gudoomiyaha Degmada Xarardheere Maxamed Yuusuf kulmiye ayaa Warbaahinta ku hadasha afka Dowlada ayaa u sheegay in Ciidamada oo ka war helay Gaari Shabaaab u siday Hub iyo Maleeshiyaad hubeysan ay fuliyeen howlgalkaan, Gudoomiyaha ayaa sheegay markii lagasoo tago dilka Shabaabka in Ciidamada Dowladda ay gacanta ku dhigeen Hubkii ay wateen iyo labo gaari.
Ciidamada Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha Deegaanka ayaa gacanta ku dhigay Laba ka tirsan Khawaarijta Al shabaab oo ka soo Firxaday Afjarkii Barkeesnaa ee ka dhacay Deegaanka Ceel qaboobe Maleeshiyaadkaan ayaa laga Qabtay Deegaanka Howdleey oo u dhaxeeso Degmooyinka Ceeldheer iyo Xaradheere, wuxuuna deegaankaasi uu Magaalada Ceeldheer u jiraa qiyaastii inka badan 50km.
Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dagaalka Khawaarijta Al-shabaab ay u kaashanayaan cid kasta oo wax kala qabanaysa, si loo soo gabagabeeyo dhibaatada ay ku hayaan bulshada gobolka, wuxuuna intaasi raaciyay in howlgalka la qorsheeyay ee ay wada geli doonaan dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada dalalka safka hore uu noqon doono sagaashan Cisho oo keliya.
Taliyaha Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa ayaa isna ka hadlay Dhacdadaasi ka dhacday Deegaanka Ceelqaboobe, wuxuna xusay in si weyn loogu laalay, lagana hortagay dhagartii ay la maaganaayeen Shacabiga Soomaaliyeed, isagoo xiusay in goobtaasi lagu dilay in ka badan 40 Maleeshiyaad iyo horjoogayaal isugu jira,, wuxuuna sii raaciyay inay kuwa dhintay ay ku jiraan Ajaaniib, meydadkoodiina lagu aasay isla deegaankaasi.
Mudane, Xasan Sheekh oo ka qeyb galayay kulan Dad weyne oo lagu qabtay Muqdisho kana jawaabayay su’aal ahayd sababta ay dowladdu u door bidday in ay dagaalka khawaarijta ka qeyb qaataan dowladaha safka hore ayaa sheegay in waddamada jaarka iyo kuwa naga fogba ay kaashanayaan maaddaama uu cadowgu yahay mid caalami ah.
“Ma heli karno inaan dhahno AMISOM ha naloo soo badiyo, ma heli karno AMISOM sida annaga aan rabno in ay u shaqayso, dowladahoodiina kalama heshiin karno sababtoo ah AMISOM waxay ku jirtaa United Nations Security Council iyo African Union, dowladahoodii xitaa wax badan kama baddeli karaan , kuwo annaga aan dhihi karno waddadaan baan rabnaa inaad martaan, ayaguna ay dowladahooda dhihi karaan waddadaas ay dowladda Soomaaliya codsatay mara waaye kuwa aan maanta haysanna”.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tusaale usoo qaatay bulshada bariga Afrika oo ay Soomaaliya dooneyso in ay ku biirto iyo waddamada xubnaha ka ah, kuwaas oo aan wax lala wadaagi karin haddii aan la helin amni, sidaa daraaddeedna ay kaashanayaan cid kasta oo ka caawineysa la dagaallanka kooxaha khawaarijta, wuxuuna hadalaasim ka jediyay kulan Dadweyne oo la qabtay.
Haddaba isku soo wada xooriyoo Kooxdaan Khawaarijta ah wax badan ayay Ummadda Soomaaliyeed u maleegeen qorshayaal ay ku dhibaateynayaan ama ay ku qarxinyeen, balse Ilaah mahadii waxaan dhihi karnaa Khawaarijtu waxay maleegayeen ayay ku halaagmeen.
SONNA EDATORIAL