Khawaarijta oo shaqo joojin ku sameysay horjooge Macallin Eyman ( Warbixin)

Khawaarijta Al-shabaab ayaa shaqo joojin ku sameysay horjooge Macallin Eyman oo qaabilsanaa weerarada arxan-darada oo kooxdu ka geysato xudduuda iyo gudaha dalka Kenya.

Horjooge Macallin Eyman, sanadkii 2009-kii ayaa loo xil saaray maleeshiyo ay ugu magacdareen ” Jeyshu Eyman”, kuwaas oo weeraro dhabo gal ah geystay gudaha wadanka Kenya.

Macallin Eyman waxay saaxiibo dhow yihiin Salmaan muhaajir oo ajaaniibta Al-shabaab madax u ahaa dhowrkii Sano ee la soo dhaafay, kaas oo khilaaf hareeyay ka dib, dhawaan lagu beddelay Jacfar Suudaani.

Horjooge Macallin Eyman ayaa looga shakiyay inuu rabay ku biiritaanka maleeshiyada kooxda Daacish, bacdamaa uu taageersan yahay Salmaan muhaajirkii dhawaan xilka laga qaaday.

Maleeshiyaadka loogu magacdaray ” Jeyshu Eyman”,  ayaa loo dhiibay nin lagu magacaabo Cabdisamad Nasta oo ka soo jeedo gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.

Horjooge Cabdisamad wuxuu saaxiib dhow la yahay horjooge Maxamed Amiin oo la aamisan yahay in ay qaraabo dhow yihiin Mahad Karatee.

Qubarada ka faalooda arrimaha argagixisada ayaa ku tilmaamay in ay tani keeni karto in ay soo dhammaato awooddii Al-shabaab ay ku lahaayeen gudaha Kenya,maadaama horjoogayaasha kooxdu shaqo fariisin ku sameeyeen nin si weyn u yaqaano kooxdii uu hoggaaminayay iyo dhulkii ay dhibaatooyinka ka geysanayeen.

XIGASHO SONNA