Khawaarijta oo la mid noqotay Darbi dumay(WARBIXIN)

Howlgallada Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa waxa uu u muuqdaa in ay guuleysteen, waxaana taa daliil u ah in maalin walba ay isi soo dhiibaya odayaal ay kooxdu ku qasbi jirtay in ay hadlaan, kuwaas oo ay u caleema saarteen Nabadoonimo iyo sidoo kale wiilashii yar yaraa ee la qalday ayaa koox koox isku soo dhiiba, waxaana muuqata in ay kooxda Khawaarijtu xididdada looga siibay gobolkaasi, waxaana beryihii u dambeeyay ay koox ka Tirsan Khawaarijta Shabaab oo ka kooban Afar Xubnood uuna hogaaminayay Horjooge Maxamed Cali Xasan oo loo yaqaano Macalin Xudeyfa ay isku soo dhiibay Ciidamada Qalabka Sida ee ku sugan Dowlad Goboleedka HirShabeelle, kaasi oo horkacayay maleeshiyaadka Khawaarijta ee dhowaan lagu jabiyay dagaaladii ka dhacay Shabeelaha dhexe.

Dhinaca kale, Ciidamada Qaranka ayaa gacanta ku dhigay 8 ka tirsan Khawaarijta, kuwaasi oo isku dayay in ay isku qariyaan Dhulka hawdka ah ka dib Jabkii cuslaa ee Khawaarijtu ay kala kulantay Dagaalkii ay Ciidamada Qaranka iyo Shacabka Deegaanku kula galeen Hirshabeelle, iyadoo maalin ka hor isla aaggaaasi ay Ciidamada Qaranka isku soo dhiibay Siciid Raage oo Khawaarijta ugu magacawnaa nabadoon iyo mid ka mid ah Maleeshiyada Kooxda Khawaarijta ah, waxaana si wanaagsa u soo dhaweeyay Ciidamada Qaranku, waana ka go’an tahay Dawladda Soomaaliya in ay daryeesho kuwa ka tanaasula Fikirka Khawaarijta iyo ficilladooda gurracan.

Dawladda Soomaaliya waxaa ka go’an in Cadaaladda la marsiiyo dhagarqabayaasha ku adkaysta ku sii jirista Khawaarijta kuna dhiiranaada dhaqamadooda foosha xun, Dowladduna Khawaarijta Al-Shabaab waxay kula jirta Dagaal toos ah oo dalka looga saarayo iyo mid dhinaca dhaqaalaha ah ayaa waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta, si shacabka Soomaaliyeed ugu noolaadaan Nabad iyo Barwaaqo.

Gobolada Mudug iyo Galguduud waxaa wali ku sugan tiro yar oo kooxdaasi ah , dadka deegannada goboladaasi ayaa waxay sugi la’yihiin inta ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ka soo gaarayaan, qaarkood ayaa waxaa ku socdo ciqaab ay kala kulmayaan rag aan gobolkaba ka soo jeedin oo ku naaxay canshuurta baadda ah ee laga qaado.

Waxaa kaloo jira in Dowladda Soomaaliya ay xirtay 600 oo shabakadood, kuwaasi oo ay khawaarijtu ku baahin jireen falalkooda gurracan, iyadoo Baraha la xiray ay isugu jireen Facebook,Twiter,telegram, Tiktok,Youtube iyo Mareegaha Website-yada ” cidkasta oo baahisa wararka khawaariijta iyo goob kasta oo lagu baahiyo waa noo bartilmaameed” ayuu yiri wasiir Ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Shiikh Yuusuf Caddaala, wuxuuna sii raaciyay Meel kasta oo macluumaad Khawaarijtu leedahay lagu faafiyo ciddii doontaa ha lahaatee dowladda Waa u target ama bartilmaameed.

Ka sokow guulaha xagga dhulka ee baaxadda leh ee ilaa haatan laga soo hooyay halganka la dagaalanka iyo ciribtirka kooxaha argagaxida ah, waxaa kaloo muuqda guulo kale ee waaweyn oo laga gaaray ciribtirka kooxahaasi, haddaba waxaan guulahaasi ku tilmaami karnaa:-

Guusha koowaad: In Bulshada Soomaaliyeed iyo ciidamadooda qalabka sida ay aamineen in kooxaha argagaxisada ah lala dagaalami karo, lagana guuleysan karo, waxaana goobo fara badan lagu baacsaday laguna burburiyey. Arinkani oo ah mid aad ahmiyaddiisa u leh marka laga hadlayo dagaal iyo istiraatiijayahiisa, iyadoo Khawaarijta laga sifeeyay dhammaan Deegaanada ka tirsan Gobolada Shabeelada dhexe iyo Hiiraan, laguna sii wajahan yahay Gobolka kale sida Galguduud.

Guusha labaad: In Bulshadii iyo kooxahii Argagaxisada ay sii kala miirmayaan siina kala fogaanayaan, ka dib kolkii dagaalku uu isku badalay “Halgan iyo dagaal Bulsho”. Halkii shalay laga yaabay in loo arki karay dagaal dhex marayey ama u dhaxeeya ” Dowlad iyo koox gaar ah”, arinkani waxa uu horseedi kartaa in aysan kooxahaasi heli doonin waxii hadda ka dambeeyao gabaad iyo cid ay isku qariyaan.

Guusha seddexaad ayaa ah, In markii ugu horreysay dagaal xagga dhaqaalaha ah oo toos ah lagu qaaday kooxaha argagaxisada ah, lagana xirxiray ku dhwaad ilaa 60 xisaab bank oo ay tiilay lacago malaayiin doolar ah, kaasi oo horseeday in ganacsatada iyo bulsho weynta Soomaaliyeed ee ay baadda iyo boobka ku hayeen kooxahaasi ay dhiiradaan, diidanna bixinta xoolahooda lagu gumaadayay shacabkooda.

Guulahaasi seddexda ah waa arimo istiraatiiji ah, aadna muhiim ugu ah ka guul gaarista dagaalka la gula jiro kooxaha argagaxisada ah, waana in la sii wado dadaalada ku aadan ka miro dhalinta hadafka iyo ujeedada fog ee laga leeyahay ka gungaaridada dagaalka lagula jiro kooxda Argagixisada ah ee Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa dhawaan uga digay Dadka ku dhaqan goobaha ay Kooxda Khawaarijtu joogaan Dowlad Gobolaadka Hirshabeelle inay ka fogaadaan, isagoo caddeeyay inay meelahaasi ay bartilmaameed u yihiin Ciidamada Dowladda iyo kuwa Deegaanada, sidaasi awgeedna ay ka baaqsadaan inta lag xoreynayo.
Kooxdani waxay haatan u muuqataa mid gabalkeedu sii dhacayo dhinac walbana lagala dagaalamayo, marka waxa aan ku sifeyn karnaa Darbi dumay, shacabkuna ay ka fogaanno yuusan daqrine.