Khawaarijta oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku dhow 30 looga dilay gobolka Hiiraan

Ciidamada Qaranka iyo kuwa Deegaanka ee gobolka Hiiraan ayaa maanta Khawaarijta ku jebiyey weerar ay ka soo qaadeen seddax jiho, halkaas oo lagu gaarsiiyay jab xooggan.

Khawaarijta ayaa looga dilay ku dhawaad 30 Khawaarij ah oo horjoogayaal ajaanib ah ay ku jiraan, iyagoo goobihii dagaalka ka qaatay meydad iyo dhaawacyo tiro beel ah, waxaana lagu soo bandhigay meyd kale oo goobta uga carareen.

Taliyaha Guutada 26-aad, qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Cabdiraxmaan Xujaale “25 ka tirsan meydadkii Khawaarijta ay ka carareen ayaan gacanta ku haynaa, Saddex aag oo ay ka soo weerar tageena waan ku jabinay.”

Dhanka kale Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ku bogaadiyey jabka khawaarijta maanta loogu geystay deegaanada Muqluga Cali , Ceelhareeri, Hareeri Madoobe iyo Garas Magan ee ku yaala xaduudka gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

“Waxaan bogaadinayaa, si weyn u garab taaggannahay xaq u dirirka ciidamada Xoogga dalka iyo macawislayda Kula diriray khawaarijta deegaanada Muqluga Cali , Ceelhareeri, Hareeri Madoobe iyo Garas Magan iyo deegaanada kale kuwaasoo galabtay wacdaraha ugu dhigay Kooxda Khawaarijta, dhabarkana u saaray guuldarro xooggan ilaa lagu qasbay in ay ka cararaaan tobonaan ka mid ah maydadkoodii” ayuu yiri wasiir Axmed Macalin Fiqi.

Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa intaas ku daray”Khawaarijta tabartoodu waa intaas, waxayna reer Hiiraan muujiyeen dhabar adayg iyo geesinimo laga qaadan doono casharro, meel kasta oo ciidamada qaranka, kuwa dawlad Goboleedyada iyo kuwa deegaanku ay ku sugan yihiin waxaan ku dhiiragalinayaa in uu bilowday jabkii khawaarijtii rogaal-celinta waday, sidaas awgeed in la xoojiyo dagaalka xaqqa ah ee lagula jiro”.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa howlgallo culus oo ka dhan ah Khawaarijta kawada qeybo kamid ah dalka, kuwaas oo looga dilay Maleeshiyaad badan oo ay ku jiraan horjoogayaal sar sare oo Khawaarijta muhiim u ahaa.