Khawaarijta oo bilaabay in hubkoodii ay ku wareejiyaan beellaha kadib markii ay xaqiijiyeen in la joogo Dhammaadkooda (warbixin)

Kooxda khawaarijta oo mudda dheer dhibaata ku hayay shacabka soomaaaliyeed ayaa hadda wajahayo bur bur iyo quus kadib markii ay kaladi waayeen geesiyaasha xoogga dalka iyo shacabka soomaaliyeed oo soo afjaray waayihii amar kutaagleynta iyo ka been sheegida diinta islaamka.

Khawaarijta dhowr sano oo ay dhibaata ku hayeen shacabka soomaaliyeed kaa oo gaarsiiyay heer laga baqo magacooda maanta waxa ay marayaan Bisadii libaax lamooday oo meel qarisa ayay layihiin.

Duulaanka ay garwadenka ka tahay dowladda Soomaaliya iyo shacabka oo isku duuban waxa uu bannaanka keenay awood yarida argagixisada iyo in ay ahayeen kuwa waqtigii saaciday kaga faa’ideeysanayay shacabka daruufaha kala duwan uu saameeyay inta ay sugayeen dowlad awood leh oo ka dulqaado khawaarijta arxanka daran ee Al-shabaab.

Tallaabadii ugu horeysay ee ay qaaday dowladda iyo shacbka oo iskaashanayo meshii loo dhaqaaqaba si fudud ayaa looga furanayay argagixisada maafiya ah ee Al-shabaab,wana sababta keenta in lagala wareego degaanno dhowr ah oo mudda kabadan 10-sano ay khawaarijtu ku dhibaateen jirtay dadka shacabka ah

Khawaarijta markii ay wayeen degaanno iyo dagmooyin badan oo ay ka jogeen gobolada Hiiraan,shabellaha Dhexe,Mudug iyo Galgaduud waxa ka dhax billawday Horjoogayaashooda khilaaf ah in ay sii wadi karaan dagaalka ay kawadaan gobolada dhaca bartamaha soomaaliya.

Horjoogayaasha ayaa isbar-bardhigay laba mid in ay racaan iyaga iyo maleeshiyaadkooda oo ah in ay sii wadaan dagaalka kaga furan Hirshabeelle iyo Galmudug iyo in ay is dhiibaan iyaga iyo hubkooda,soo jeedinta ayaa u badatay in aan lagu dagaalami karin meelaha ay ka joogaan
Mudug ,Galgaduud Shabeellah Dhexe iyo Hiiraan.

Go’aanka ah in aan la dagaalamin markii uu soo baxay waxa la sheegay in khawaarijta ay hubkooda ku wareejiyeen dadka ku heebta ah si ah u nabadgalaan markii degaanada ay gacanta u galaan dowaladda soomaaliya.

Taliyaha ciidanka lugta soomaaliyeed Janaraal Maxamed Tahliil Biix oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in ay hayaan khawarijta ku sugan Galmudug in ay la yihiin meel qarisa kadib markii wadda kasta oo ay ku bixi la hayeen ay ka dageen ciidanka xoogga dalka hada kadibna ay dhammaatay cabsigalintii ay ku hayn jireen shacabka soomaaliyeed.

Janaraal Biixi ayaa sheegay inay xog ka heleen dagaal dhex maray khawaarijta oo ay rag badan isaga dileen, wuxuuna intaa ku daray in ay dhowaan ku shireen deegaanka Cowsweyne iyagoo go’aansaday in baaqigooda haray ay isa soo dhiibaan.

Horjoogayaasha khawaarijta iyo Maleeshiyaadka ay wataan ayaa hadda ku dhumaleeysanaya dhul biyo iyo baad toona aan lahayn wehelkoodana waxaa ah gud kulul iyo bahallo raadinayo Hilibkooda iyo dhiigooda, shacabka soomaliyeed waxa ay ku tartamayaan iska xoreynta khawaarijta ,halka khawaarjtana ay raadineyso cid ka bad-baadiso gacanta kacdoonoka ka dhanka ah.

XIGASHO SONNA