KHAWAARIJTA IYO SIFAADKOODA

Qormadan gaaban waxaa inagu kalifay muhiimada weyn ay ummada islaamka ee ahlu sunnah wal jamaaca u leedahay in looga digo qataraha iyo dhaqamada qalifsan ee Khawaarijta ay leedahay. Maadaama ay  maanta ummadda Soomaaliyeed dhibane u tahay dhibaateyn joogto ah oo ay ku hayaan kooxda khawaarijta, waa muhiim in laga digo dhibaatada iyo cawaaqib xumada ay leedahay kooxaha ka leexday wadadii ama sunnadii suubanaha Rasuulka (SCW) ee toosan iyo kitaabkii Alle (SWT). Kuwaas culimada islaamka ay tilmaamtay in ay leeyihiin magacyo fara badan ayna u kala baxaan dariiqooyin fara badan oo aan ahayn dariiqa Sunnada iyo Kitaabka Alle (SWT).

Marka laga hadlayo khawaarijta iyo magacyadooda wey fara badan yihiin  balse hadduu Alle ogolaado waxaan ka tilmaami doonaa wixii Alle (SWT) ina waafajiyo si aan u gaarsiino ummadda soomaaliyeed ee boqolkiiba boqol muslimka ah ee khawaarijtu maanta banaaneysteen dhiigooda, maalkooda, iyo waliba sharafkooda, si ay uga foojignaadaan dhibaatada iyo hagardaamada joogtada ah ee ay ku hayaan kuwa usoo xirtay shaatiga diimeed si ay u qaldaan umadda Soomaaliyeed una xalaaleystaan naftooda iyo xoolahooda.

Khawaarijta iyo dhibaatooyinkeeda lidka ku ah diinta Islaamka iyo muslimiinta ma ahan wax hadda uun soo bilowday, horey ayey u jirtay dunidana usoo martay, horey waxay usoo laayeen qaar ka mid ah asxaabtii rasuulka kuwooda ugu waaweynaa uguna fadli badnaa, sida Cusmaan bin cafaan iyo SayidCali Ilaahay haka wada raali noqdee oo la ogyahay qiimaha ay lahaayeen iyagoo kamid ahaa afartii khulafaa u raashidiin, islamarkaasna safka hore kaga jiray tobankii saxaabi ee iyagoo nool jannada loogu bishaareeyey, waxaa intaa ka daran khawaarijtu waxay aaminsaneyd in dilkooda Alle ugu dhawaanayaan!.

Qofka markuu maankiisu meel baas u jaheysto waa majnuun aan waxba kala ogeyn, muslimbaa dilayaa, maalkiisan dhacayaa, maatadan laynayaa, marasta iyo masaakiinta ayan xasuuqayaa, dilkooda ayan ilaahay ugu dhawaanayaa waa waxyaabo aan ku fakiri karin ruux Islaamnimo iska daaye xitaa Insaannimo ku jirto, dhaqannimada noocaas ah waxaa ku sifoobay oo astaan u ah khawaarijta.

 

Sida magacooda laga dareemayo khawaarij waa ruuxa banaanka ka joogo diinta Islaamka oo wax shuqul ah ku laheyn dhaqan islaam, marka aad u fiirsatid dhaqamadooda waa dareemi kartaa waayo waxa ay sameenayaan iyo ficilladooda  waa wax liddi ku ah islaamnimada iyo xitaa bin aadannimada, midaas waxaa daliil u ah waxyaabaha ay maanta ku sameynayaan umadda soomaaliyeed ee muslimiinta ah, ficillada qurracan ee ay khawaarijtu ku kacaan waxay muujinaysaa inaysan wax diin ah shaqo ku laheyn wadankana aysan dan ka laheyn, waxaa kaloo kuu soo baxaya inay yihiin dad fulinaya ajandayaal dibadda looga soo dhiibay oo iyagana ay yihiin waa kuwa soomaalinimada sheeganaye kuwo u shaqeeya cadow soomaaliyeed oo isu baheystay bur burinta dalka Soomaaliyeed iyagoo uga faa’ideystay kala daadsanaantii dadka soomaaliyeed ee sababta u aheyd qara jabkii ku dhacay soomaaliya.

Warka kusaabsan khawaarijta marka aad fiiriso waxaad fahamaysaa oo taariikhda ku cad khawaarijta koox ahaan waa kuwo soo jiray waqti hore oo saxaabadi rasuulka SCW soo wada dagaalameen, tilmaamahooda Nabiga (SCW) uu sii sheegay kooxda Cali ibn Abii Taalib uu la dagaalamay ee khawaarijta ihina waa (muxalu ijmaac) waana (nas) wixii iyaga ka dambeeyay ee sifaadkooda wax kamid ah laga helay in khawaarij xukunkooda la siiyo waa (ijtihaadi).  Waa qadiya ijtihaadiya waaye, laakiin qolodaan hore inay khawaarij yihiin (nas) bay ahayd. Maxaa yeelay astaantii Cali ibn Abii Taalib Nabiga SCW u sheegay, sideedii baa loo helay markii la laayay kadib oo dagaalkii dhamaaday buu Cali wuxuu ku yiri:

‘’Ninka noocaas ah hala soo raadiyo, ninkaan idin sheegay ee astaantaa lahaa hala soo raadiyo.’’Waa la tagay niman meykoodi aad u badan baa la dhax maray waa la soo waayay. Markaasuu (Cali) yiri: Ilaahay baan ku dhaartayee [maa kadabtu walaa kudibtu]. ‘’Ilaahay baan ku dhaartee anne been ma sheegin, Nabi Maxammadna been iima sheegin.’’Arintu xaqiiqa jirto weeye dib ugu noqdoo soo baara! Waa la raadiyay, waxaa loo tagay ninkii oo dhowr nin oo dhintay ay kor saaran yihiin oo hoostooda ku jira oo meyd ah, nimankii baa laga kor qaaday isagii baa la soo bixiyay, mise calaamadii iyo astaantii  Nabigu tilmaamay waa sideedii.

 

Markaas Cali ibn Abii Taalib (rc) wuxuu yiri: ‘’Ilaahay run buu sheegay, Rasuulkiisuna run buu sheegay.’’Taa marka waxay cadeyneysaa kooxdaas in ay yihiin kuwo aan laysku khilaafsanayn oo la dagaalankoodana waajib yahay nas iyo ijmaacba ku cad. Xiliga ay soo baxeena waa lasheegnay dhaqamadoodana waa la tilmaamay, afkaartooda iyo Mabaadi’dooda iyo Sifaadkooda waana sida kuwa maanta jooga ka muuqato Alle ummadda haka qabte.

Waxa aan wax ka tilmaamaynaa qaar ka mid ah  Afkaartooda, Mabaadi’dooda iyo Sifaadkooda:

Sida laysku waafaqsantahay, khawaarijitu qaas kuma ahayn qolodii hore ee aan kasoo sheekeynay ee cid kasta oo sifaadkooda laga helo waxay qaadanayaan xukunkii khawaarijta. Inay jiri doonaan waa la tilmaamay ilaa kan ugu dambeeya ama gadaashooda uu ka soo baxo (Dajjaal).

Sifaadka lagu garan karo Khawaarijta

Waxaad u baahan tahay marka inaad ogaato maadaama ay jiri doonaan, fikirkuna jiro siina jiri doono, soona jiray, waxaa u baahan tahay inaad ogaato lagu siiyo Sifaadka ay leeyihiin oo aad ku aqoonsan karto khawaarijta ama fikirkaan qaloocan sifaadka aad ku garan karto iyo (Usuusha) uu leeyahay. Miizaanka markaad qaadato adiga oon cidina kuu sheegin baad leedahay Alleylahee kuwaasi sifaadkii bey leeyihiin. Sidaa daraadeed aad bey muhiim u tahay Manaahij toodii, Usuushoodii iyo Sifaad koodaba in la barto.

Sifaadka khawaarijta lagu aqoonsan karo waxaa ka mid ah:

In dadka lagu gaaleeysiiyo oo diinta lagaga saaro [dadka muslimiinta] ah waxaan gaalnimo keeneynin.

Miizaanka sharciga marka la saaro waxaan uu ruuxa ku gaaloobeeynin oo diinta kaga baxaynin ayay dadka diinta kaga saarayaan, oo (Ridda) ugu xukumaan.

Dadka waxay ku gaaleeysiiyaan waxaan gaal nimo keeneynin miizaanka sharciga.

Dambiyada waaweeyn baa ka mid ah, oon gaal nimada gaarsiisneyn sida:

Zinada Khamrada iwm

Wuxuu noqon karaa inay shey waajib ah oo diintaba waajib ka dhigtay iyagu intay gaal nimo u qaataan dadka diinta kaga saaraan. Sida in heshiis la galo oo dhiiga muslimiinta la baajiyo ama [mustaxab] buu ahaa ama waajib buu ahaa, iyaguna waxay ka dhigeen in heshiis la galo wax lagu gaaloobo sida horay u dhacday walina lasoo taagan yihiin. Miizaanka (shareecada) marka la fiiriyana arrinkaas (heshiiska) waa waajib ama waa mustaxab.

Waxaa ka mid ah mathalan: mar marka qaarkood waxyaalo iska banaan oo (mubaax ah) ah, baa dhici karta inay dadka ku gaaleeysiiyaan.

Waxaa dhici karta in dadka ku gaaleeysiiyaan, masaa’il:

Salafka aktooda, Saxaabada aktooda iyo Aimatul sunnah midna Masaa’il ijtihaadi oo khilaafi ah, masaa’il aragtida culimada ku kala gedisan yihiin (ijtihaadi) ah ijtihaad keeduna uu (saa’iq) yahay in dadka lagu gaaleeysiiyo madhicin, dhaqanka aragti isku gaalaysiinta waa fikir iyo dhaqan khawaarij.

Waxaa soo galaaya dadka culimada ee (muta awwiliinta) ah (ta’wiil saa’iq) ah oo khilaaf saa ugu dhacay in la gaaleeysiiyo (ta’wiilkoodana) waxba laga soo qaadi waayo waa dhaqan ay ku sifoobeen khawaarijta. Marka in la yiraahdo un dunuubta waaweeyn bey dadka ku gaaleeysiiyaan ma ehee sida saxda ah waxay dadka ku gaaleeysiiyaan, waxaan dembiba ahayn bal laga yaabo inuu mubaax yahay, bal laga yaabo inuu waajib yahay. Iyaga caqli yaradoodii, faham yaradoodii iyo cilmi yaradooda, intay si kale u qaataan bey intaa ku ekaan maayaan, waxay ka ratibaayaan inay dadka ku gaaleeysiiyaan diinta kaga saaraan.

Markay dadkaana gaaleeysiyaan waxay ula dhaqmaayaan marka (axkaamtii) gaalada bey siinayaan waxayna leeyihiin:

Daartooda waa daar gaalo Mucaamaladooda waa mucaamalo gaalo

Waa lala dagaalamaya Dhiigooda waa banaan yahay Asal waxaa u ah xadiithkii  Nabiga SCW ee ninkii  (Dhu’l-Khuwaysirah) markuu u yimid naga uu ku yiri:

‘’Maxammadoow cadaalad samee, cadaalad maadan sameynin.’’

Nabi Maxammad wuxuu sameeyay sow cadaalad ma ahayn, ma shaki baa idin kaga jira, cadaaladii waajibka ahayd bey ahayd.Cadaaladii waajibka ahayd miizaanka shareecada marka la saaro baa isaga la qaloocatay ninkan nabiga ku dhahayo cadaalad samee, markaasuu bilaabay inuu Nabiga scw cadaaladiisu ku inkiro, uma haysto markaa oggow, hadalka Nabiga ku dhahayo inuu ku gaaloobayo diintana kaga baxaayo, waa dambi weyn oo uu ku gaaloobayo ma ehee mas’aladu waa fahamka ayaa la qaloocday ninkan (Dhu’l-Khuwaysirah) ah . Shey waajib ah buu u qaatay qalad kadibna wuxuu bilaabay Nabiga inuu ku inkiro bilaabay.

Sheekhul Islaam Ibnu Tayymiyah (rc) [towjiiha] noocaas ah markuu ka hadlaayo, hadal noocaas oo aad u qiimo badan buu leeyahay, uu leeyahay:

Khawaarijta markuu ka hadlaayay laba qaas oo caan ah bey leeyihiin buu yiri oo muslimiinta intooda kale iyo (Aimadooda) ay kaga baxeen.

Tan koowaad waxa weeyeen buu yiri: Inay jidkii (dariiqadii) sunnada ka baxaan,

Waxaan xumaan ahayna bay xumaan ka dhigaan, Waxaan wanaag ahayna wanaag bay ka dhigaan.

Waana midday Nabiga hortiisa ka muujiyeen buu yiri oo ninkaa [Dhu’l-Khuwaysirah at-Tamiimi] uu nabiga hortiisa ka muujiyay markuu ku yiri:

(Icdil itaqillaah) Iicdil fa inaka lam tacdil) Cadaalad samee Ilaah ka cabso adiga cadaalad maadan sameyne.

Ninkan nabiga sidaa ku leh fakirkiisa ayaa la qaloocday ee nabigu wuxuu sameeyey cadaalad middii ugu fiicneyd nabi Maxamed NNKH ma ahan qof cadaalad loo sheegayo.

Khawaarijtu waa qolo fakirkooda qaloocday, aragtidoodaas qaldan ee habowsan ayeyna rabaan inay dadka qasab uga dhaadhiciyaan ee wax diin ah oo shaqo ku leeyihiin ma jirto. waxaase Ilaah mahadiis ah in hadda la wada fahmay shacabka soomaaliyeed ee waqtiga dheer dhibatada y ku hayeen ay hadda ogaadeen inay waxay wadaan ay been yihiin iyagoo bilaabay inay kasoo horjeystaan islamarkaana iska dhicinayaan, iyagoo laga xureeyey degmooyin iyo deegaano fara badan oo horey umadda uga dhibaateynayeen, kadib kolkii ay u midoobeen dowlad iyo shacab iyadoo culumadiina ay cadeeyeen in khawaarijtu lala galo dagaal laysaga dhicinayo iyagoo cadeeyey in dagaalkoodu uu yahay jahaad qofkii dilo uu ajar ka helayo kii ay dilaana ahlu janno uu yahay.

DALKA EDITORIAL