Khawaariijtu waxay dagaal la gashay cidkasta oo damiir leh

Kooxda khawaariinta arxanka daran waxay ku marmarsiyoon jireen keliya in ay dilaan dadka ku nool gobollada iyo degmooyinka dowladdu ka taliso, balse taas waa ka fog xaqiiqda, intii uu socday dagaalka dalka looga xorraynayo khawaariijta waxa soo baxay dhacdooyin argagax leh kuwaas oo muujinaya siday u jir dileen qaarna nafta u dhaafiyeen dadkii ku noolaa degaanada ay gacanta ku hayeen kooxaha khawaariijtu.

Kooxda khawaarijta dhibaato badan ayey ku hayeen  shacabka degaannada laga xoreeyay, kuwaas oo isugu jiray dillal barer ah, dhac joogta ah, burburinta goobaha cibaadada iyo in ay si qasab ah ay ku askareeyaan carruuta, dhibatooyinkaasi oo isbiirsaday ayaa keentay dadkii degaannadaasi inay iska diidaan gumaadka ay khawaarijtu muddo dheer ku heysay.

Mukhtaar Muxudiin, waa wiil dhallinyaro ah, kaas oo khawaarijtu lix bilood ka hor ay gacantiisa midiga uga jareeyn degaanka Guullane ka hor inta aan laga xoreeynin khawaarijta, wuxuuna intaa kadib u istaagay sidii khawaarijta dhibaatada u geeysatay degaankiisa uu uga xoreeyn lahaa, haddana waxa uu ku nool yahay degaankiisii oo xor ah

Warbaahinta Qaranka oo la kulanatay Mukhtaar ayaa ka wareysatay dhibaatada khawaarijtu ay u geysatay, wuxuuna sheegay in xanuun badan uu dareemay markii uu waayay gacantiisa midig, intaa kadib aabihiis ayaa khawaarijta ka codsaday in wiilkiisa uu caafimaad ahaan muqdisho ugu qaado balse wey ka diideen khawaarjtu , waxana tani ay qeyb ka tahay  ficillada guracan ee kooxdaasi

“Gacanteyda midig ayay qabaan khawaarijtu,waxan go’aansaday in aan ka xoreeyo degaankeyga iyo guud ahaan dalka alle waa nagu guuleeyay waana ku sii daba jirnaa” sidaas waxa yiri dhibbane Mukhtaar.

Mukhtaar Muxudiin oo hadda ka bogsooday dhaawaca ay khawaarijtu u geeysatay ayaa sidoo kale ka sheegay in khawarijta gacantiisa uga gooysay dambi uusan lahayn oo ay dul sareeyn kadibna ay si arxan daran uga jareyn gacntiisa midig, hadda waxa uu dhax damaashaadayaa degaankii khawaarijtu ku dhibateeysay oo xor ah, wuxuuna guusha usoo hoyatay sabab ugu dhigay Ciidanka xoogga dalka oo garabsanaya dadka degaanka oo uu isaga ka mid yahay.

Dhibaatada kooxda khawaarijtu ma ahan intaan oo kaliyaa oo waxay gabbood fallo kala duwan u geysteen shacabka ku nool degaannadii laga xoreeyay, waxayna tani tusaale cad u tahay ficillada gurracan ee ay khawaarijtu ku haysay degaannada laga saaray.

XIGASHO SONNA