Mar haddii mudda badan ummaddu ku kula dhex jirtay dhibaato iyo jaha wareer in badanna laga soo jeediyay talo iyo tusale kuwa laga waayo wax maqal iyo garqaadasho oo cid waliba ay gacanta ka taagtay, markaas soomaalidu waxay ku maahmaahdaa maslaxa diid madarkuu ku jabaa.
Midda kale waxay leedahay talo walaalkii diide taraanturro ma huro, maalintaas ma jiro ruux kaa naxaya ama kuu jixin jixaya waana sida haysato khawaariijta al-shabaab oo ku can baxay naxariis darro meel kastana ku weji go,ay oo soomaalidu meel ay joogtaba maanta uma hayaan wax naxariis ah, waayo shacabkii ayey qarxiyeen, waxgaradkii ayey laayeen.
Sido kale, waxay diideen in kitaabka loo noqdo oo wixii ku yaal la isla arko si loo wada qaado waddada saxda ah oo aan muranka la heyn, waxay diideen maamul iyo tashi la wadaago, wax badan ayaa leysku dayay in lala gaaro maslaxad xaalkana lagu dayo in la qaraabeeyo, waxaa la yiri gacmo geel jire hoos ayaa loo dhaqaa.
Taasi waxay macnaheedu tahay diinta iyo dadnimadaba waan wadaagnaye aan tashanno weyna diideen waxayna ku sifoobeen in ay yihiin khawaariij, khawaariijtana waxaa lagu sheegaa inay yihiin eeyaha naarta mana laha wax ehel iyo qaraabo ah, intaas ka dib waxaana go,aan lagu gaaray bulsho iyo dowladba in layska dhiciyo ka dib markii wax badan la rogrogay xajada in lagu qaado dagaal cir iyo dhul ah si looga ciribtiro loona suuliyo afkaarta khawaariijta.
Mar haddii laga waayay wax walaalnimo ah ayna iska diideen in ay bulshada dib ugu soo noqdaan waxaa la mariyay waajibaadkooda ay lahaayeen sidaas darteed wax khiil ah uma harin khawaariijta al-shabaab.
shabaabku waxay ku sifoobeen inay u adeegaan khawaariij kale oo caalami ah oo aan muslin aheyn.
Xaqiiqdu waxay tahay qofka muslinka ah ma dilo muslin kale oo wuu ogyahay in dhiiggiisa iyo maalkiisa uu xaaraan ka yahay.
Haddaba, maanta shabaab waxaa la soo deristay wixii dhibaato ahaa oo
ay horay u geysteen khawaariijta alshabaab iyo xulufada hoosta ka taageera iyo kuwa ay dulleysteen oo maskaxda uga shubeen quraafaadka qofka akhliga leh wuu og yahay in berri waagu ku beryi doono ama xisaabtii Alleba meel utaallo adduunkana khiil dambe uma harin khawaariij iyo kuwa adeegaba ,
DALKA EDATORIAL