KHAWAARIIJTA DAACISH IYO SHABAAB OO BUURAALEYDA BARI ISKU LAAYAY

Manaxeyaashii ku heshiiyay daadinta dhiigga islaamka iyo intay wateenba waxay maanta ku hardamayaan buuraha bari oo ay ka mid tahay galgala iyo kuwo kale.

Xaq baa isku diray waayo waxaa la yiri wixii baadil ku dhisma wiligoodba salkoodu waa hoog, waxay dad muslim ah gaaleysiiyaan maanta iyagaa isgaaleysiinaya oo is ciqaabaya ka dib markii ay ka firxadeen dagaallada ku soo wajahan iyay buuraha u carareen halkaasoo awal saldhig ay u ahayd daacish ayaa waxaa kusoo rogmaday daad ka soo firxaday koonfurta iyo bartamaha soomaaliya.

Daacish awal waxay soo dhaweyn jirtay oo ka faa’iideysan jirtay kuwa ka soo goosta shabaab oo ay askar ahaan u qoran jirtay, sidaa daraadeed waxaa weligoodba dhex yeellay colaad balse maanta faraha ayay isa saareen oo way is laynayaan waxayna ku dambeyn doonaan markay isku jabaan inta yaree ka soo hartana la soo qab qaban doono haddii Alle ka raalli noqdo.

Khawaariijta alshabaab ayaa guul darro weyn kala kulantay dagaalladii ay la galeen ciidammada dowladda iyo shacabka dib u xorreynta iyagoo laga qabsaday dhul aad u ballaaran oo markii hore ay ayagu ka talin jireen.

Waxay dhiigga muslimka ku tasbiixsadaanba manta iyagaa malaggood galay oo waxaa laga goob goobayaa godadka ay ku dhuumaaleysan jireen sidii bahalaha oo kale.

Faankii iyo baqbaqdii baroor ayaa ka dambeysay asaydii ay hooyooyin badan usaari jireenna manta iyaga ayay heysataa tii tu ka daran.

Khawaariijtu waxa gubi jireen raashinka dadka masaakiinta ah loo wado iyagoo sidoo kale ceelasha ka duugi jiray guryahana dab ku qaban jiray manta ilaah wuxuu gartay in ayaga cunaqabateyn lagu soo rogo oo ay gaajo iyo harraad u dhamaadaan kuna baqtiyaan gododka waxaana la baday in saxarada iska dhaqaajin waayaan cabsi daraadeed.

Waxaa jabay oo guul darrestay dhammaan khawaariijta daacish iyo shabaab iyo wixii la hal maala.

Waxaana guul iyo rayn rayn ku jira ciidammada xoogga dalka iyo geesiyaasha sooma jeesteyaasha ah ee Macawisleyda, argagixisada iyo dhammaan khawaariijta ku faafay dalka ayaa waxaa la filayaa in dagaalka wejigiisa labaad lagu soo afjaro iyadoona tani ay noqon doonto wax ay soomaali ka sheekeyn doonto taariikhdana meel madow ka geli doonto.

Waxay noqon doontaa waayo aragnimo ay shacabka soomaaliyeed mar kale ka fiirsan doonaan inaysan dhicin in mar kale loogu soo gabado diinta waana fal fal xumo ay yaqaanaan khawaariijta oo keliya.

DALKA EDATORIAL