KHAWAARIIJTA AL-SHABAAB OO MAANTA LAGALA WAREEGAY DEEGAANKA AL-KOWTHAR EE G/SHABEELAHA DHEXE

Deeganka Alkowthar ee gobolka Shabeellaha dhexe oo ka mid ahaa xarumihii ugu waaweyna ee Khawaarijta Al-shabaab ayaa waxaa goor-dhow si buuxda ula wareegay ciidanka xoogga dalka iyo xooggaga deegaanka {Macawisley}.
Taliyaha Ciidanka xoogga dalka General Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa xaqiijiyay qabashada Al-kowthar waxaana uu intaas ku daray in looga daba tagayo goobaha ay u carareen.
Al-kowthar ayaa ka tirsan degmada Aadan Yabaal waa deegaankii kooxdu markii laga saaray degmada Aadan Yabaal ay isku aruursanayeen, hase yeeshee waa looga daba tagay oo hadda waxaa ay ka mid tahay dhulka xorta ah ee harka dowladnimada dareemaya maanta.