Khawaariij oo isaga cararaya deegaano mudo dheer gabaad u ahaa

Kooxda khawaariijta arxanka daran ayaa wajahaya cabsi iyo kala carar ka dib markii ay jab xooggan kala kulmeen gulufka dagaal ee ay ku hayaan Ciidanka xoogga oo kaashanaya kuwa dib u xoraynta deeganada,kooxda oo beryahan ba la kulmaysay jab joogto ah ayaa hadda bilaabay in ay ka fakadaan deegaanadii ay ku dhuumaalaysan jireen.

Warbaahinta qaranka ayaa heshay xog xaqiijinaysa in degmooyin ka tirsan gobolka Galguduud ooh ore ugu dhuumaalaysan jirtay kooxda khawaariijtu ay hadda isaga carareen,deegaanada khawaariijtu ka carartay ayaa sida ay ogaatay warbaahinta qaranku kala ah degmada Ceel garas,deeganka Xiindheere,Xagareey,Ceel la helay iyo dhamaan tuulooyinka hoos taga kuwaas oo dhaca koonfurta gobolka Galguduud ee dowlad goboleedka Galmudug.

Degmooyinkan iyo deegaandan ayey mudo ku dhow 15 sano ku dhuumaalaysanayeen kooxda khawaariijtu balse hadda ayey cabsi soo wajahday darteed u baneeyeen Cabdifataax Cali Xalane oo ah xoghaya degmada Ceel garas ayaa warbaahinta qaranka u xaqiijiyey in khawaariijta baneeyeen gobihii ay ku dhuuman jireen”maalmihii ugu dambeeyey khawaariijta oo la kulmayey jab xooggan ayaa dhamaan ba baneeyey deeganada hoos taga degmada Ceel garas,khawaariijtu waxay deeganadan uga baxeen cabsi ay ka qabaan ciidanka qaranka iyo kuwa dib u xoraynta ee iskaashanaya”ayuu yiri xoghaye Cabdifataax.

Kooxda khawaariijta ayaa beryahan bilaabay in ay dhexdooda is weeraran sidoo kale waxa korodhay tirada isu soo dhiibaya dowladda Soomaliya halka sidoo kale Hawlgalada baaxadda leh ee lagu ekeeyey kooxda khawaariijta ay sababeen kala shaki soo kala dhex gala khawaariijta,sidoo kalena waxa adkaatay isu socodka gobolada ay isaga kala gooshi jireen khawaariijtu,intaas oo keliya kuma eka jabka gaaray khawaariijta ee sidoo kale waxa lumay xiriirkoodii wada shaqayneed ka dib markii horjoogeyaasha kooxdu diideen in ay isticmaalaan gabi ahaanba wax Telefone ah iyagoo ka cabsi qaba in xogtooda la helo una noqdaan bartilmaameed.

dowladda soomaaliya xayritay in ku dhow 250-Akoon iyo 70-lambar oo kawaarijta lacaga loogu diri jiray,taas oo ay Shacabka soomaaliyeed la soo wadaageen islamarakaana laga howlgalay oo gebi ahaanba la xiray,“Sidee suurgal u tahay in tubooyinka ay lacagtu ugu socoto khawaarijta Shacabkana ay ku dhibaateeyaan,ma aqabalayno in Al-shabaab lacag ay ka qaataan shacabkeenna, dowladda way ka go’antahay in ay joojiso gebi ahaanba lacagaha ay helaan khawaariijta” sidaa waxa yiri Madaxweyne Xasan Sheekh,tan ayaa marag u ah in khawaariij dhan walba looga adkaaday maantana ay yihiin gacan ku gabad.

XIGASHO SONNA