Kenya:Qaxootiga Dhadhaab oo dhigay bannanbax cabasho ah

Waxaa Xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab gar ahaan Xerada ifo ka dhacay banan bax cabasho ah oo looga horjeeday xaaladda nolol ee dadka ku jira xeryaha, kadib markii hayadaha samafalka ay hoos u dhigeen adeegyadii rashinka ee la siin jirey.

Dadka Qaxootiga ayaa sheeegay in bishiiba mar la siin jiray adeegyada raashinka balse hada la siiyo labadii bilood hal mar, waxayna sido kale sheekan in xarumo caafimaadka,isla markaana la kala diray howlwadeenadii caafimaadka.

Macalimiinta iskuulada wax ka dhiga jirey la dhimay iskuulada qaar waxaa dhigta 2500 arday balse waxaa la yira sadex macalin oo geli ah ayaa wax bari 1500 ee arday taasi oo ay banan baxan kaga cabanayaan waalidiinta iyo ardayda,

Hayadaha samafalka ee ka howlgala xeryaha qaxootiga ee dhadhaab ayaa hoos udhacan ku yimid gargaarkii la siin jirey qaxootiga ku micnayay dhaqale la aan la soo daristay hayadaha samafalka isla markaana dhaqaliha ay horan ka heli jireen wadamada iyo hayadaha deeqda bixiya eysan ka helin taasina keentay in hoos udhacan gargaarkii ay siin jireen qaxootiga dhadhaab,

In ka badan 217,000 oo qaxooti ah ayaan xiligan ku nool xeryaha qaxootiga ee dhadhaab iyadoo in ka badan boqolkiiba sagashan ay soomaali leeyihiin,