KASBASHADA XALAASHA IYO KA FOGAANSHAHA XAARAANTA

Qof kasta oo muslim ah waxaa ku waajib ah in uu kasbado oo uu cuno waxa xalaasha ah, kana dheerado waxa xaaranta ah isaga oo Ilahay  SW qof ku waxa uu cunayo ama uu kasbanayo ka horeeysiyay camalka wanagsan ee uu samaynayo.

Nusuus badan ayaa ku so arooray halka uu qofku ka kasbanayo xoolaha uu shaqaysanayo. Ilahay muminiinta isaga oo la hadlayana waxa uu yiri” Kuwi Allah iyo Rasuulkisaba rumeeyayow waxaad cunta waxa aan idinku arsaaqnay kuwiisa wanagsan ee xalaasha ah” Ilahay waxa kale oo uu yiri “ Kuwa Allah iyo Rasuulkisaba rumeeyayow xoolihina dhexdiina ha ku kala cunina shay badil ah oo xaraam ah”. Waxa kale oo rasuulka csw laga soo wariyay xadiis oo nabigu yiri ” Janada gali mayo hilib ku biqlay oo ku kobcay xaraam”. Xadiis kale ayuu nabigu ku sheegay “ Ma siyaado oo ma kabco hilib ku kobcay xaraam ilaa naarta ayaa huran”

Dawaabida amma sharciyada uu leeyahay Kasbul Xalaal amma Shaqaysiga Xalaasha ah:

1-Xaaraantinimaynta Ribada:  Waxa uu Ilahay kitaabkisa ku sheegay in uu iibka inoo xalaaleeyay waxa ribada la yiraahdana la inaga xaraantinimeeyay. Rasuulkuna waxa   uu nacladay qofka ribada cuna, ka cunsiiya, ka qoraya iyo ka markhaatiga ka ahba, Ilahayna jannada ka xaraantinimeeyay. Ribada marka sidaas loo xarantinimeeyay, waxa ka so baxaya in ay xaaran tahay in aad ka shaqayso bangiyada ribada ku shaqeeya shaqada aad ka qabanaysa nooca ay doonto ha noqote. Ribada ayaa u qaybsanta laba nooc oo kala ah: Ribada amma siyadada lagu sameeyo wixi aduunyo lagugu leeyahay oo  la kordhinayo wakhtigi kordhaba iyo ridaba iibka.

2.Xaarantinimaynta Khiyaanada iyo qishka: Rasuulku SCW waxa uu inaga xaarantinimeeyay qishka iyo khiyaanada, isaga oo rasuulku sheegay qofka wax kasbanaya in uu isaka ilaaliyo khiyaanada.

Tusaalayaasha hada qishka wakhtigan danbe la sameeyo ayaa waxa ka mid ah:

  • Iibinta alaabada xumaaday amma wakhtigi loogu talo galay dhacay
  • In miisaanka lagu ciyaaro oo shayga misaan ku jirin lagu sheego
  • In lagu suuq geeyo badeeco iyo alaab liidata in ay tahay badeeco wanaagsan
  • Iibinta badeeco sixada iyo cafimaadka waxyeelaynaya

3-Xarantinimaynta ka ganacsiga waxyabaha xaraamta ah sida Khamriga iyo Mandooriyayaasha oo dhan:  Waxa iyaguna la xaarantinimeeyay  ka ganacsiga waxyabaha xaraanta ah sida in laga ganacsado khamriga amma in hub la soo galiyo suuqa wakhtiyada fitanka.

4.Xarantinimaynta ka ganacsiga filimaanta iyo waxyaabaha xun xun: Waxa iyadana la xaarantinimeeyay in dadka loo soo daayay filimaan xun xun oo dadka lagu luminayo.

5.Xarantinimaynta ka shaqaynta camalada aadan ka gudan karayn wajibaadki Ilahay kugu wajibiyay.

Qeybta labaad: “Takaafulka Bulsho”, Takaaful Bulsho waa in: Umada islaamka ahi isaakhiga iyo is xambaarku ka dhaxeeyo oo ay dusha isku qaado, oo qofka jilicsan ay umada inteeda kale dusha ku qaado oo ay ilaaliyaan.

In qof kasta oo bulshada ka mid ahi uu isku arko in uu xuquuq leeyahay wajibaadna looga bahanyahay bulshada dhexdeeda. Umada inta ay iskaashi iyo is takulayni dhexdooda ka jirto waxa ka dhasha is jacayl iyo kalgacayl iyo isa soo dhawaansho.

Diinta islaamkuna waxa ay ina fartay in la isku tiirsanaado oo la is kaashado, isaga oo ilahay aayad quran ah ku sheegay  “ Isku kaashada wanaaga iyo Allah ka cabsiga”.

Nusuus badan ayaa ku soo arooray Takaafulka bulshada dhexdeeda. Waxa uu Ilahay yiri:” Wanaaga iyo janada gaari maysaan ilaa aad Ilahay darti waxa aad jeceshihiin u bixisaan”. Nabi Mohamedna Csw waxa uu tusaale ka bixiyay sida bulshada islaamka looga baahanyahay  in ay noqdaan, waxa u yiri” Isku tiirsananta, isku kaalmaynta , is tacaawunka bulshada islmaaka dhexdooda waa sida jidh kaliya, hadii xubin ka mid ahi bukooto in jidhka intiisa kalena la bukoodo amma la xanuunsado”. Waxa uu sidoo kale nabigu scw yiri” qofka ka fududeeya qof kale oo muslim ah dhib amma hawl haysato , waxa uu ilahay ka fudeediya dhibta iyo hawsha maalinta qiyaamaha”.

Waa ayo dadka uu Ilahay ina amray in la kaalmeeyo

1-Waalidka: Ilahay baa waxa uu yiri “ Labada waalid u sama fala”. Waxa la faraya qofka islaamka ah in uu kafalo qaato oo tunka loo rito waxa ugu fadli badan labada waalid.

2-Qarabada: Sida walaalaha, iyo dadka kale aad qarabada tihiin in la kaalmeeyo oo la kafaalo qaado.

3-Agoomaha. Waxa uu Ilahay sheegay in ay tahay agoomaha oo la kafalo qaato waxayab ilahay loogu dhawaado. Nabigu csw waxa u yiri: qofka agoon kafala qaata iyo anigu malainta qiyamalaha waxanu isku nahay sida labada farood ee isku xiga.

4-Miskiinka: Waxa kale oo aad u muhiim ah in la taakuleeyo oo la kafalo qaado dadka maskiinta ah ee bulshada ku dhex nool oo laga war hayo.

5-Musaafirka amma socoto: Qofka musaafirka waxa qof walba oo muslim ah ku waajiba in la marti qaado martida u soo hoyata

6-Dadka wax waydiista dadka kale iyo adoomaha

7-Dadka daymaysan(AL qarimiin): Ilaahay waxa uu quraankiisa ku leeyahay qofka qof bahan wax ku lihi in uu ka sugo oo aanu ku dirqin ee uu ka sugo, waxana ka sii wanagsan in aad sadaqo ula baxdaan.

8-Maxaabiista: Dadka maxabiista ah ee jeelasha ku jira in la caawiyo oo la kafalo qaato.

Meelaha ay ka imanayso waxyabaha dadka lagu kafaalo qaadanayo:

1-Sakada: sakada  laga bixinayo xoolaha, maallka iyo wixi la mid ah. Sakadu waa maalka laga qaado dadka wax hayta lana siiyo dadka fuqarada ah.

2-Sadaqada

3-Kafalooyinka qofka lagu waajibiyay xaladaha qaarkood

4-Dardaaranka uu qofku xoolihiisa ku dardaarmo

5-In qofku waqfi sameeyo aya iyaduna ka mid ah waxyabaha dadka lagu kafalo qadanayo

6-Sakatul Fidri

Gabagabadi waxa la faraya bulshada islaamka ah in ay kafalo qaado, is takulayso, iskaashato. Wanaaga umaduna in uu ku jiro isku tiirsanaanta iyo is kaashiga bulshada dhexdeeda.

Xigasho: Dhaqaalaha Islaamka

WD: Ibraahim Warsame Xuseen