Kalfadhigii 38aad ee Wasiirada Cadaalada Ururka Jaamacadda Carabta ayaa laga soo saaray qaraaro muhiim ah.

Kalfadhigii 38aad ee Wasiirada Cadaalada Ururka Jaamacadda Carabta uga socday Magaalada Ifran ee Boqortooyada Marooko ayaa laga soo saaray qaraaro muhiim ah.

Wasiirka Cadaalada iyo Arrimaha Dastuurka JFS Hassan Macallin Maxamuud ayaa go’aanada la isla qaatay ku tilmaamay “ kuwa kusoo aaday xilligii loo baahnaa oo shacabka dawlada Soomaaliya usoo jeesteen ciribtirka argagixisada”.

Dawladaha ku bahoobay Ururka ayaa iska kaashan doona dhismaha hay’adaha iyo shuruucda muhiimka u ah la dagaalanka argagixisada iyo dambiyada abaabulan kuwaas oo Soomaaliya ka caawina doona talaabooyinka looga hortagayo dambiyada isaga talaaba wadamada iyo qaaradaha”