Kalfadhiga 8-aad ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta furmaya

Waxaa maanta Xarunta Baarlamaanka ee Villa Hargeysa ka furmaya Kalfadhiga 8-aad ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

 

Xildhibaannada Labada Aqal ayaa hore loogu wargeliyay in maanta oo ku beegan 1-da Agoosto uu si rasmi ah u furmayo Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

Sida uu dhigayo Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah u furi doona kalfadhiga, isagoo munaasabadda ka jeedin doona khudbad.

 

Kalfadhigan 8-aad waxaa horyaalla ajande ay ka mid yihiin ansixinta sharciyo muhiim ah,waxaana

si ku-meel-gaar ah u sii shir Guddoominayo Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka, kaddib markii uu xilka baneeyay Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), oo loo doortay Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed.