Kacdoon ka dhan ah argagixisada oo ka bilaabmey degmada xudur ee Gobolka Bakool

kacdoon ka dhan ah maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa  ka bilaabmey magaalada Xudur ee Gobolka Bakool  lagana doonaayo in bulshada ay iska dulqaadaan dhibaatooyinka Cadowga qeybna ka ah Baraarug bulsho oo kasocda gobolada dalka.

Howlgalkaan oo ujeedkiisu yahey in Shacabka ku nool magaalada Xudur iyo deegaanada u dhow laga qaado, lagana xureeyo haraadiga Argagaxisada ee sida dhuumaaleysiga ah u dhibaateeya Bulshada, waana hadafka koowaad ee maamulka Degmada Xudur uu muhiimad gooni ah u siinaayo la dagaalanka Argagaxisada, si bulshada mudada dheer kujirtey dhibaatooyinka ay uga noolaadaan nabadgelyo.